POST GAZETA “Joogitaanka Mareykanka Ee Soomaaliya Waa Sii Xoogeystay Balse Wax Natiija Ah Kamasoo Hoyn”

Image result for usa somalia

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in joogitaanka ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya ee uu xooggaystay sanadadii lasoo dhaafay.

Wargeyska Post Gazeta ee kasoo baxa wadanka Mareykanka ayaa soo daabacay warbixin kooban oo uu uga hadlayo kaalinta xukuumadda Washington ay ku leedahay dagaalka Soomaaliya.

“Joogitaanka Mareykanka Ee Soomaaliya waa sii baahayaa wax natiija ahna kamasoo hoyn dagaalka Argagaxisada ka dhanka ah” sidaas waxaa daabacday saxaafidda Post Gazeta.

Hoggaamiyaha waqtigiisu sii dhacayo ee Brack Obama ayaa ku adkeysanaya khaladaadkii uu ka dhaxlay G.W.Bush wuxuuna laba laabay faragelinta Mareykanka ee Soomaaliya.

Warbixinadu waxay sheegayaan in Mareykanku uu saldhigyo qarsoodi ah ka sameystay Soomaaliya isagoo xulufada Afrikaanta ku agaasimaya dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab ee halganka kula jirta quwadaha shisheeye.
Sida ay faafisay Jariiradda Post Gazeta joogitaanka Mareykanka wax weyn kama bedelin dagaalka loogu magac daray “Argagaxiso la dirirka”, inkastoo America ay saldhig weyn ka hirgelisay wadanka Jabuuti ee ladariska la ah Soomaaliya.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga ayaa duqeymo dhanka Cirka ah ku dilay Hoggaamiyaal katirsan shabaabul Mujaahidiin.

Ku lug lahaashiyaha tooska ah ee Mareykanka dagaalka Soomaaliya ayaa labadii sanadood ee lasoo dhaafay sare u kacday kadib markii ciidamada AMISOM ay ku fashilmeen in ay wiiqaan Ashabaab .

Weeraro qar iska tuuris ah  oo ay ku tageen  meelo badan oo koofurta Soomaaliya ah ayay kusoo jabeen,waxay ku ogaadeen inta awoodoodu la egtahay.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS