DHAGEYSO:-Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar “Hore Waxa u Jirey Dagaal Oogayaal, Balse Hada Waxa Soo Baxay Dagaal Oogayaal Siyaasadeed”

Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay  Aqalka Sare ee Soomaaliya dooratay Xiligan,  Wuxuuna sheegay inaan Dunida Lagu arag Aqal-sare ama Baarlamaan ayna Dastuurka Ku Qornayn wuxuu Qabanayo, oo hadana la Dooranayo.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey Sida loo dulmiyey Beesha SHANAAD,  Wuxuuna sheegay inay markii hore Jireen Dagaal Ooge-yaal, Balse hada ay soo baxeen Dagaal ooge-yaal dhinaca Siyaasada ah, Wuxuuna sheegay inay tahay wax aan socon doonin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in markii Hore Soomaaliya ay is qabsan Jireen Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha, Balse hada ay is qabsan doonaan Aqalka hoose iyo Aqalka Sare.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS