Ethiopia waxaa ka jira laba Aqal ama Gole (two Houses) oo u taagan nidaamka dowladda, caddaalada iyo sinaanta qowmiyaadka. Ujeedada labadan Aqal ama Gole waa in la helo nidaam dowladeed oo caddaalad ku dhisan dhamaan gobolada iyo shucuubta dalkuna helaan xaqqoda.
Hadaba labadaa Aqal ama Gole waa Golaha federashinka (House of Federation) iyo Golaha Wakiilada (House of Peoples’ Representatives). Tirade iyo xubnaha labadan Aqal ama Gole (House of Federation & Peoples’ Representatives) waxaa gundhig u ah ama lagu saleeyay nidaamka federaalka ee Qowmiyaadka iyo Shucuubta ku dhisan.
Si aad u ogaatid qaabka loo qaybiyay tirada iyo xubnaha labadaa Aqal ama Gole waxaa lagama maarmaan ah inaad ogaatid gobolada dalku ka kooban yahay iyo tirada shacabka gobol walba uu leeyahay. Waxaad faah faahinta tirada shacabka ee gobol kasta aad kaga bogan kartaan shaxdan hoose.
Table 1: Population 2007
Region | Population | % | Remarks |
Tigray | 4,314,456 | 5.8% | |
Afar | 1,411,092 | 1.9 | |
Amhara | 17,214,056 | 23.3% | |
Oromia | 27,158,471 | 36.7% | |
Somali | 4,439,147 | 6.0% | |
SNNP | 10,377,028 | 20.4% | |
Benishangul Gumuz | 670,847 | 0.9 | |
Gambella | 306,916 | 0.4% | |
Harar | 183,344 | 0.2% | |
Addis Ababa | 2,738,248 | 3.7% | |
Dire Dawa | 342,827 | 0.5% | |
Special Enumeration | 96,570 | 0.1% | Wax jira ma* |
Total | 73,918,505 | 100% |
Source: Ethiopia Population and Housing Census Results 2007
*Wax jira ma aha ee waa tiro Wayanuhu adeegsado sida raashin bixinta, qaybinta miisaniyada, iyo xubnaha golayaasha oo ay ku lunsadaan hanti badan cid ka daba hadashana aysan jirin.
Hadaba sidee loo qaybiyay Aqal ama Gole ee Golaha federashinka (House of Federation) iyo Golaha Wakiilada (House of Peoples’ Representatives)? Yaase qaybiyay? Dhab ahaantii waxaa qaybiyay golayaasha iyo tirada gobolada shacab walba waa maamulka Wayaanaha waxayna u qabiyeen sidan soo socota
Table 2: Golaha federashinka (House of Federation) & Golaha Wakiilada (House of Peoples’ Representatives)
Region | Golaha federashinka (House of Federation) | Golaha Wakiilada (House of Peoples’ Representatives) | Remarks |
Tigray | 38 Seats | 6 Seats | |
Afar | 8 Seats | 2 Seats | |
Amhara | 138 Seats | 17 Seats | |
Oromia | 178 Seats | 16 Seats | Xabashi /Wayaane ayaa ka buuxa |
Somali | 23 Seats | 4 Seats | |
SNNP | 123 Seats | 54 Seats | Waa Xabashi /Wayaane |
Benishangul Gumuz | 9 Seats | 4 Seats | |
Gambella | 3 Seats | 4 Seats | |
Harar | 1 Seat | 1 Seat | |
Addis Ababa | 23 Seats | ||
Dire Dawa | 2 Seats | ||
Special Enumeration | |||
Total | 546 Seats | 108 Seats |
Hadaba si aad wax u fahantid aan isugu kaa geyo xogta aan kor ku sheegnay waxaadna arki bahdilka iyo dulmiga Soomaalida lagu hayo iyo sida ayna waxooda iyo xaqooda u sheegan karin, iyo kalsooni la’aanta haysata iyagoo arka in la duudsiyay xuquuqdoodii.
Table 3: Ka qaybgalka Qowmiyaadka ee Golayaasha Federaalka
Region | Population | Golaha federashinka (House of Federation) | Golaha Wakiilada (House of Peoples’ Representatives) | |
Population | % | 38 Seats | 6 Seats | |
Tigray | 4,314,456 | 5.8% | 8 Seats | 2 Seats |
Afar | 1,411,092 | 1.9 | 138 Seats | 17 Seats |
Amhara | 17,214,056 | 23.3% | 178 Seats | 16 Seats |
Oromia | 27,158,471 | 36.7% | 23 Seats | 4 Seats |
Somali | 4,439,147 | 6.0% | 123 Seats | 54 Seats |
SNNP | 10,377,028 | 20.4% | 9 Seats | 4 Seats |
Benishangul Gumuz | 670,847 | 0.9 | 3 Seats | 4 Seats |
Gambella | 306,916 | 0.4% | 1 Seat | 1 Seat |
Harar | 183,344 | 0.2% | 23 Seats | |
Addis Ababa | 2,738,248 | 3.7% | 2 Seats | |
Dire Dawa | 342,827 | 0.5% | ||
Special Enumeration | 96,570 | 0.1% | 546 Seats | 108 Seats |
Total | 73,918,505 | 100% | 38 Seats | 6 Seats |
Hadaba xaal wa kaa qofkii moodaya inay xabashi cadaalad ama xishood taqaanow ogow qoladu in waxa kaliya ay fahmaan ama marka kaliya ay wax fahmaan inuu yahay markay kaa cabsadaan.
Waxaa wax laga xishooda ah inay dowlad sheegato inay tahay federal ay waxaa ku dhaqanto, waxaa wax laga xidhooda ah in Soomaalidu tahay qowmiyada sedexaad dhanka shacabka, qowmiayada labaad dhanka dhulka, qowmiyada kobaad dhanka canshuuraha, hadana ay ka maqan yihiin labada Gole – Golaha federashinka (House of Federation) iyo Golaha Wakiilada (House of Peoples’ Representatives) ee ugu sareeya dalka.
Mar haday Soomaalidu sidaa ka tahay Golaha federashinka (House of Federation) iyo Golaha Wakiilada (House of Peoples’ Representatives) maxaad u malayn xaalkooda ee arimaha shaqalaynta iyo wax qaybsiga miisaaniyada iyo laamaha dalka eek ala duwan?? Jawaabta waxaan ka sugayaa kuwo qurbaha jooga ee Ethiopia ku ordaya sidii ayadoo ay Ethiopia dhashay?
Lama garanayo dadka gaar ahaan kuwooda qurbaha waxa bahdiladaada iyo xumaha ku beeray? Itoobiya waa cadowga Soomaali halkaa dhigay, Wayaanaha ay dad moodayaan ma aha wax jira ayagoo rafaadsan ooy Axmaaro beeraha ku qodato ayay Soomaali u hiilisay urur (TPLF) u samaysay ku xidhay EPLF (Eritrea) dowladdi Mingistana sidaa u ridday, waxaase dhab ah in Tigray iyo Wayaane ahayn wax abaal loo galo waana lagu khasaaray waxtarkii iyo dhaqaalihii la siiyay.
Qaar ka mid ah kuwaa is bahdilay waxay sheegeen inay ka cabsanayaan Cabdi Iley iyo Wayaanaha, in dadkooda ku xidhan yihiin Jeel-Ogaadeen ama meel kale oo wadanka kamid ah, in Wayaanuhu dhacay ama la wareegay hanti guryo iyo xoolo ay leeyihiin sababta ay bahdilkaa u samaynayaan uu yahay inay xoolahooda iyo ehalkooda badbaadiyaan waxayse kaba dhacsan yihiin awoodda Ilaahay iyo inuu asagu wax bixiyo waxna awoodo, iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaalidu leedahay.
Soomaalidu suugaan ayay ka tirisay arimahan maanta taagan waxaana kamid ah tucdan gabay
Naftu waa maqnoow amase waa, mahad ku noolow e
Waa maanta saan ahay haddii, mid u dhexeeyaaye
Gabayaa Soomaali ah wa kuu yidhi
-
Axmaaro iyo Soomaali hadday eedo kala gaadhay
-
Waxuu ku arkay mooyee haddii uriso loo saaray
-
Asalkaaga — [Calool Dabanow]…miyaad ku ag wareegaysan.
Ismaaciil Xayd Xirsi waa kuu gabayga tiriyay asagoo dadkiisa Soomaliyeed u sheegaya inaynan wakhtiga aawadii is bahdilin wuxuuna tiriyay tixdan gabay
-
Eeboow geyiga Aakhariyo, dunida guudkeeda
-
Mid unbay galladi noo ahayd, inaad na geysaaye
-
Goodaaddo dhexe waa halkaan, galabta joogaaye)
Ina Xasan Dari wuxuu ku yidhi gabay uu tiriyay tixdan
-
Hadday dunidu tiir leedahoo, lagu tanaadaayo
-
Oo niman ku taajirahayaan, taaladan aan joogno
-
Toolmoonihii Maxamed baan, laga taxaabeene
-
Maxaan tobon riyo ah uga welweli, tay u weel li’iye)
Waxaase hubaal ah in dambiga laga galay ummadda Soomaaliyeed la iskaga daba iman doono haduu ilaahay yiraahdo, qofkii Xabashi taageeray ama dadka dulmiyay xaguu tagi ama gali markay caddaalad timaado? Maqaalkan waxaan ku soo gabagabay tix gabay ah oo waangsan oo uu tiriyay abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde
-
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix dhagaxeede
-
Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane
-
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
-
Bal inay dafoof tahay caqliga dooni laga saaray
-
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaay
W/Q: Hure Jeefad (jeefad1983@gmail.com)
Qoraa Madax Banaan