DHAGEYSO:-Riyaale xaamud oo ka hadlay xaalka Itoobiya

Image result for CIIDANKA ITOOBIYA

Siyaasiga Riyaale Xaamud oo ka soo jeeda dhulka soomaali galbeed ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda alfurqaan waxaa uu kaga sheekeeyay hadafka Itoobiya ee soomaaliya ku saabsan.

Wuxuu sheegay in damaceedu yahay in ay soomaaliya wada qaadato ayna abuuratay koox caada qaatayaal ah oo sandeerto raac ah.

Wuxuu dhan kale ka hadlay xaaladda Itoobiya oo iminka meel Qatar ah mareysa qarkana u saaran in ay gebi ahaanba bur burto.

Riyaale xaamud wuxuu tilammaayaa in Itoobiya tol leedahay asigooo ula jeeda dowladaha reer galbeed ayan isku dayayaan in ay bad badiyaan laakiin ay u muuqato iminka kadib in aanay jiri doonin wax Itoobiya la yiraahdo.

Sidoo kale riyaale wuxuu ka waramay xaasidnimada amxaarada iyo tigreega iyo in aanay jirin wax ay is dooriyaan.

Bur bur ku yimaada xukuumaddda Itoobiya ayaa sheegay in soomaaaliya dan weynu ugu jirto .

Ugu dambeyntii wuxuu soomaalida ugu baaqay in ay diintooda ku dhegaan soomaalinamadoodana ay ku faanaan ayna la yimaadaan midnimo iyo isku duubni

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA SIYAASIGA RIYAALE