
Caawa iyo maanta kolba kay kuu tahay akhristow waxaan kaa codsanayaa inaad ila wadaagto falaqeyntan oo saaxiib dhow la ah xaqiiqada iyo runta. Dalka loogu yeedho itoobiya iyo maamulka ka taliya ayaa ah kuwo nabsi gaaxsaday kadib markay si naxariis darro ah ula dhaqmeen umada soomaaliyeed meel kasta ha joogtee. Waxay ku tix galin wayeen Bani,aadanimo Afrikaanimo ama jaarnimo! Wax umada soomaaliyeed lahayd oo taliskaasi badbaadiyeen majiro haba yaraadee.
Salka ayay dhulka ugu dhufteen inta taagood ah, haduu Dal ahaa, haday Duunyo ahayd, haday Dawlad ahayd iyo haduu Diin ahaa intaba. Cadownimada waxaa u dheer gunimo aan meel ay ku dhamaato lahayn. Waxay jaqaan dhiiga soomaalida habeen iyo maalimba, mana filayo inay jirto qorax soo baxday ama dhacay oo uuna Taliska Adis Ababa gaysanin gabood fal iyo gumaad ku wajahan dad soomaaliyeed!
Wax badan ayuu Taliska Tigreegu hormuudka u yahay habeen madow caruur kaga jaqaaq siiyay oo dad waayeelo ah guryaha ku gubay. Wax badan ayuu hanti masaakiin hortaala ka boobay iyagoo u gashaday shaadh dawladeed. Waxaan odhan karaa Weel kasta oo Taliskaasi lahaa waxaa ka buuxsamay Dulmi, sidaa daraadeed mar hadayna jirin xumaan u dhiman taliska woyaanaha oo uu samayn lahaa, maanta waa laqabtay lamana sii dayn doono oo Rasuulkaa yidhi hadal macnihiisu ahaa” ILAAHAY DAALIMKA WUU U KAADIYAA, HADUUSE QABTO MASII DAAYO!
Halgamow maanta Woyaane wuu daba jeediyay, waxaana sanka ka qabsaday guud ahaan umadaha Geeska Afrika oo dhan. Wax kale daaye kuwii ay kala guursan jireen oo ah Qowmiyada axmaarada ayaa u diiday jid ay maraan. Heerka uu gaadhsiisan yahay jaah wareerka haysta Maamulka Adis Ababa waxaa kuu qeexaya jaritaanka Aaladii internetka ee lagama maarmaanka u ahayd Safaaradaha iyo Hay’adaha Caalamka. Waxayba iska ilaaween magicii dawladnimada ee ay sheegan jireen, mana filayo inay jirto cid dawlad sheegata oo ku dhiiratay tilaabada noocaas ah oo kale xataa hadaan soo qaato macangaga ka taliya Dimishiq- caasimada Suuriya. Inta afka soomaaliga ku hadasha iyaga waxaa u bilowday saxansaxo xornimo iyo damaashaad, wayna u dhameystirmi doontaa idan ilaahay.
Magacyada aan ciwaanka ka dhigay waa kuwo si dhab ah u farxad galinaya cid kasta oo soomaali u nasab sheegata oo damiirkeedu noolyahay. Waa Magacyo dhexda kusoo jira oo soo guuxaya waana kuwii dhagta dhiiga u dari lahaa magaca boolida ah ee beenta ku saleysan ee la yidhaaho Itoobiya. Taliska sii baaba’aya ee woyaanaha oo mudo dheer hormuud ka ahaa qaska iyo labka ayaa haatan u muuqda mid qaydhiinka lagu qeybsanayo maadaama ay qowmiyad waliba qabto ciil gaamuray iyo xaqiraad aan la qiyaasi karin oo waliba naxariis iyo tolimo ay noqdeen kuwo meesha ka baxay rajana laga qabin.
Inay kala dhaqaaqi dadyowga la isku qasabay way isku wada raaceen dhamaan aqoonyahankii aragtidooda dhiibtay, laakiin waxaa is waydiin leh miyaa la isku soo jeedsan oo birtaa la iska asli doonaa mise jaar wanaag ayaa lagu wada noolaan doonaa? Waxay soomaalidii hore ee garashada badneyd ku maah,maaheen – BOHOL KHIYAANO HA QODIN! HADAAD QODANA HA DHEERAYN, KU DHICI DOONTAYAANA MOOYI– Woyaane ma fikire wuxuu umada soomaaliyeed u qoday Boholo dhaadheer isagana Rabiga dunida iska leh ee xogtooda sida hoose ula socda ayaa u qoday Boholo dhaadheer wayna ku daateen.
Waxay saxaafada caalamku la socotaa waxa la gaadhsiiyay shacabkii Ogadenya ee aan hubasnayn oo fixadkoodu meel walba daadsanyahay, intii wadankii ku hadhayna waa qaar uu xareystay iyo qaar Seeftu dulsaaran tahay. Kadib waxuu u talaabay dhanka soomaaliwayn isagoo u kala googooyay Gobol, Gobol. Hadalba yaana idinku dalinine Dalkii jamhuriyada soomaaliya wuxuu u badalay ilma Land. Bahdilka noocaas ah waxaa laga soo kabsan doonaa oo kaliya markii la arko, Tigrayland, Amharaland, Oromialand, Gambelaland, Mushunguliland, Sidamaland iyo Canfarland. Waxaa xusid mudan inuuna dalka ogadenya waligii ka mid noqonin itoobiya hadana uuna kamid ahayn.
Isku soo duuboo akhristow waxaan inoo wada rajayn inaynu mar dhow goobjoog u wada ahaano magacyadaas ama kuwo la mid ah oo hirgalay iyo magaca itoobiya oo suulay, dadkiina Qoryo madmadow kadaba tuureen!
Qore- Xaaji M/Rashiid