DHAGEYSO:-Taliyihii hore ee Hay’adda NISA C/raxmaan Tuuryare Oo Hanjabaya Milkiilaha Radio Shabelle

Taliyihii hore ee Hay’adda NISA C/raxmaan Tuuryare oo qadka taleefonka kula xiriiray Milkiilaha Radio Shabelle, C/maalik Yuusuf Maxamuud ayaa ku hanjabay in talaabo cad uu ka qaadayo Maamulka iyo Shaqaalaha Shabellle.

Hanjabaada Tuuryare ayaa timid kadib markii Idaacadda Shabelle ay baahisay Gur ay isku haystaan   Idaacadda Shabelle iyo  Wiilka uu Adeerka u yahay Xasan Sheekh   oo ah Taliyihii hore ee Nabad Sugida Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo halkaas degsaday reerkiisa una isticmaala dhismahaas oo ah mid Danguud ah Dano shaqsi ah.

Idaacada Shabelle ayaa afkeeda ku difaaci jirtay waxa ugu yeertay Dowlad qiimo badan oo loo dhimo karo,waxayna maanta leeyihiin way  eexataa oo mahan dowlad qiimo leh.

Wariyaasha Raadiyaasha Muqdisho ayaa intooda badan ah sirdoon la shaqeeya dowladda iyo hay’adaha shisheeye,waxaana qaarkood looga  tagay suuqa iyaga oo dhiban, qaarna dhaawac yihiin sida Cabdicasiis Afrika oo dhibaato ku hayso Nayrobi oo tolkiis qaaran ku geeyeen, kadib markii looga tagay isbitaal Muqdisho ku yaal isaga ay dhawaaceen ciidamada dowladda federaalka.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS