JABUUTI-Ma Hiil Walaal Mise Hiil Axmaaro.

imageedit_3_4723256032

Sida aan la socono Quwadaha shisheeye ee Soomaaliya kusoo duuley damacoodu waa kala duwanyahay, cadaawadda ay dadka Soomaaliyeed ee muslimka ah u qabaana way kala durugsantahay, inkasta oo ay ka simanyihiin dhammaantood in ay calooshood u shaqaystayaal lagu danaysanayo yihiin, hadana qaar ka mid ah waxa u weheliya cadaawad fogaatay oo qarniyo soo jirtay, Sida Kenya iyo Itoobiya, qaarna waxa u weheliya in ay kirishtaanimo nagu faafiyaan, sida Yugaandha iyo Burundi.

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay dowladda yar ee taagta daran ee Jabuuti maxaa u weheliya in ay caloshooda u shaqaystaan? Su’aashaasi ayaan rabaa inaan wax yar is dul taago.

Jabuutiyaanku markii ay kusoo duuleen Soomaaliya waxay dhajisteen oo ay suuqa gashadeen in ay yihiin Hiil Walaal,  dadka indheer garadka ahina waxay ugu badaleen Hiil Axmaaro, oo laga wado hiil Itoobiyaan.

Hadaba sannado kadib oo Allaah Ihoobiya Fashiliyay waxa soo baxay in walaalihii ay sheegayeen in ay u hiilinayaan ay ahaayeen Walaalahooda Itoobiya, dadkana waxay ugu sawireen walaalaha ay sheegayeen in ay ahaayeen Soomaalida.

Sababtu waxay tahay markii Itoobiyaanku ay dib u gurasho bilaabeen ee ay banneeyeen goobo badan oo Hiiraan iyo Galgaduud ka mid ah, waxa durbaba iyaguna dhaqdhaqaaq bilaabay ciidankii Hiil Axmaaro oo raba inay iyana ka daba guuraan Walaalihoodii ay sheegayeen in ay u hiilinayaan.

Maalmihii u dambeeyay waxa dhaqdhaqaaq laga dareemayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Jalalaqsi, iyagoo dadwaynaha magaalada u sheegay inay baxayaan, maadaama walaalahoodii ay garab siinayeen ee Axmaaradu ay baxayaan.

Ugu dambayn waxaan leeyahay ciidamada Hiil Axmaaro, walaalihiin Itoobiya ee aad Hiilka u ahaydeen way jabeen, wayna socdaan ee ha ka harina, inta aysan haaddu idin cunin.

DHAGEYSO:-Dhibaatada Ciidanka Jabuuti Ku Hayaan Shacabka Hiiraan