Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku dhawaaqay in uu xilka qaadis ku sameeyay Yuusuf Dabageed oo ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee dhanka dowladda Federaalka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Cosoble ee magaalada Jowhar ayaa lagu sheegay in si KMG ah guddoomiyaha cusub ee Hiiraan loogu magacaabay Cali Jeyte Cismaan.
Sababta xilka qaadista keentay ayay siyaasiyiintu ku sheegayaan laba arrin oo kala ah 1- in Dabageed uu kasoo horjeestay siyaasadda Cali Cabdullaahi Cosoble islamarkaana uu kula gorgortamay siyaasada gobolka Hiiraan 2- waxaa bilihii lasoo dhaafay sii xoogeystay ismariwaaga u dhaxeeya saraakiisha ciidanka Jabuuti iyo Dabageed taasi ayaana loo aanaynayaa in ay qeyb ka tahay xilka qaadista lagu sameeyay.
Dabageed oo saacado kadib markii xilka laga qaaday warbaahinta la hadlay ayaa kasoo horjeestay xilka laga xayuubiyay wuxuuna ku tilmaamay tallaab aan lagala tashan oo shakhsiyaddiisa xadgudub ku ah.
Maamulka Hirshabelle oo majaraha ay u hayaan siyaasiyiinta Xisbiga Damul Jadiid ayay ka go’antahay in ay shaqada ka eryaan dhammaan dadkii ay islasoo galeen loolankii dhismaha maamulka Jowhar, ilo wareedyo ayaa sheegaya in seefta xilka qaadista ay ku dhici doonto mas’uuliyiintii ay isku aragtida ahaayeen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Liibaan Jeexoow Cabdi