Ciidanka gumaysiga Ethiopia oo markale gudaha magaalada Ceelbuur ku dagaalamay

Image result for ceelbuur itoobiya

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in markale uu dagaal dhaxeya ciidanka gumaysiga Ethiopia ee kusugan magaalada Ceelbuur oo dhacda bartamaha Soomaaliya, dagaalka ayaa ah khilaaf & kala jab ku yimid ciidankaas waxayan u kala safteen Amxaaro & Tigree si dhab ahna looma oga khasaraahu inta uu dhanyahay balse awxaa la xaqiijiyay dhimasho & dhawaacba inay jiraan,maadamada Ceelbuur aysan ku noolayn dad shacab ah.

Wararka Ceelbuur laga helaayo waxay intaas ku darayaan in hada ciidanka gumaysiga ee degmada Ceerbuur ay laba qaybood u kala daganyihiin waxaana laga cabsi qabaa in ay mar kale isku noqdaan, dhanka kale saraakil ka tirsan ciidanka gumaysiga Ethiopia oo maalinimadii Khamiistii magaalada Ceelbuur Diyaarad ku tagay ayaa ku guuldareystey inay dagaalkaas baajiyaan ama ay ciidanka labada dhinac u kala fadhiya isku soo celiyaan.

Saraakhiisaas laftooda ayaa la sheegayaa in ay arrintii ay u socdeen isku afgaran wayeen islamarkaasna ay ku kala biireen labada daraf ee ciidankoodu u kala jabay oo Amxaaro & Tigree ah waxaana jira cabsi xoogan oo laga qabo in uu dagaal culus ka dhex qarxo, dagaalkan soo noqnoqonaya ee ciidanka guamysiga u dhexeeya wuxuu salka ku hayaa kacdoonada Ethiopia gilgilay eoo mudo 11 bilood ah si xawli ah u socday xalkoodana aan la haynin

Hadaba dagaalkan ciidanka gumaysiga Ceelbuur hada  ku dhex maray ayaa ku soo beegmaya xili uu Wasiirka Warfaafinta gumaysiga Ethiopia dhawaan beeniyay in ciidankooda Somalia kusugani dhawr meelood oo  gudaha Somaliya ah ku dagaalameen.

Waxaa la jooga gagabadii iyo jabkii ciidanka Itoobiya ee ku sugan gudaha gayiga Soomaaliyed.

Ciidanka Itoobiya  ayaa ka baxay meelo badan ,waxayna ka raranyihiin inta meelood oo ay kaga harsan yihiin,Galgaduud,Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool,waxaana ka nasan doonaa shacabka dhulkaas ku nool,waxyana  jab iyo hasiimo ku gaari doontaa kuwii daba gablayn jiray gumaysiga madow.

Indheergaradka iyo culuma diinka Soomaaliyeed kuwooda nadiifka ka ah la shaqeynta gumaystaha ayaa ku talinaya in hubka laga reebto oo lala galo dagaal adag.

Voice Of Somalia Somalia-SOMALI LEAKS