WAREYSI:-Xildhibaan Afaraale “Ciidamada Dowladda iskama difaaci karaan Al Shabaab, Bixitaanka ciidanka Itoobiya waa mid musiibo Ah”

13419013_886191491508340_9059227238174670924_n

Xilli ay ciidamada Xabashida Itoobiya isaga baxeen degmooyin iyo deegaanno istiraatiiji ah oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayay xarakada Al Shabaab ula wareegaysaa dhul baaxad leh.

Ciidamada Itoobiya waxaa duullaanka ay kusoo qaadeen ku wehliya maleeshiyaad calooshood u shaqeystaal Soomaali ah, maleeshiyaadkan waxay ciidan qaran u yihiin dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

Marka ciidamada Itoobiya isaga baxaan magaalo ama deegaan maleeshiyaadkii ciidanka qaran lagu sheegayay kama haraan ciidanka Itoobiya ee waa ka daba lugeeyaan xataa Itoobiyaanku uma ogola in gaadiidkooda dagaalka ay la raacaan.

 Xildhibaan Afaraale oo katirsan Baarlamaanka DF-ka ayaa xaqiijiyay in dowladda uu katirsanyahay aysan laheyn ciidan isagoo ku cataabay magaalooyinkii dhowaan laga qabsaday.

Wuxuu qiray in ciidamadoodu aysan awoodin in ay ubabac dhigaan xarakada Shabaabu Mujaahidiin, Afaraale ayaa taak darida heysata ciidankooda usababeeyay cunaqabateyn dhanka hubka ah oo heysata iyo iyagoo aan helin Mushaar joogta ah.

“Askarigu wuxuu leeyahay sedax calool oo kala ah caloosha xaaskiisa, calooshiisa iyo caloosha qoriga uu ku dagaallamayo intaas haddii aan la helin askarigu dagaal mageli karo”ayuu yiri Afaraale.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Afaraale MP3