Ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa wali sii wada tacadiyada ah ay kula kacayaan shacabka soomaaliyeed ee dulman.
Mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM ayaa shalay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ku jiiray dad shacab ah.
Dadka shacabka ah ee uu jiiray gaariga gaashaman ee ciidamada Shisheeyaha ayaa la socday Moota Bajaaj ah iyadoona taasi ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dadka shacabka.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa dhintay saddex kalane waa dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dadkii shacabka ee la socday Moota Bajaajka, sidoo kale ay burburtay mootadii dadkaasi ay la socdeen.
Waa dhacdadii 3-aad oo bishan October gudaheeda ay ciidamada AMISOM ay gaadiidkooda gaashaaman dad shacab ah ku Jiirsiiyaan gudaha magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.
Ciidamadan ayaa markii ay soomaaliya kusoo duulayeen sanaddii 2007 waxay beesha caalamka u sheegtay in aan lagula xisaabtameyn xasuuqa ay soomaalida ku hayaan balse cidda kaliya ee kula xisaabtamaysa aya ah xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Liibaan Jeexoow Cabdi