Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Kala Baxayso Magaalooyinka Xudur iyo Waajid Ee Gobolka Bakool.

pizap-com14781892064301

Markii ugu horraysay taliska ciidanka Itoobiya ee gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta ay ciidamadoodu uga baxeen degmooyin iyo deegaano istiraatiiji ah.

Taliyaha Qeybta sedaxaad ee  AMISOM ahna sarkaalka ugu sarreeya ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya kusoo duulay Janeral Asarta ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed ay ka fakadeen weerar qorshaysan oo ciidamada  Al Shabaab xasuuq ugu geysan rabeen ciidamada huwanta ah xilligii ay ku sugnaayeen degmada Tayeegloow.

Janeral Asarta ayaa hadalkan ka sheegay isagoo boqolaal katirsan Maleeshiyaadka maamulka Shariif  Sakiin iyo ciidamo Itoobiyaan ah ugu khudbaynayay xera melleteri oo kutaal magaalada Xudur.

 Wuxuu sheegay in sababtii ay ugasoo baxeen degmada Tayeegloow ay aheyd feejignaan ku aaddan suurtagalnimada weerar uga imaan kara xarakada Al Shabaab.

“waxa aan ugasoo baxayna Tayeegloow waxay aheyd cabsi aan ka qabno in Al Shabaab idinkusoo qaadaan weerar weyn kadibna halkaas ay idinku baabi’iyaan” ayuu yiri Janeral Asarta.

Sarkaalkan Itoobiyaanka ah wuxuu maleeshiyaadka dabadhilifyada Soomaalida dhegtooda ku dhibciyay in ciidanka Itoobiya ay geeddi ka yihiin degmooyinka Xudur iyo Waajid wuxuuna ugu baaqay maamulka Koonfur galbeed isku magacaabay in ay difaacdaan magaalooyinka ay Itoobiyaanku baneeyaan.

“idinka ayaa laydinka rabaa in aad difaacataan Waajid iyo Xudur oo aad shabaab dib uga qabsataan Randhuurre,Garasweyne, Buurdhuxulle,lagala iyo Mooragaabey” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliyaha ciidanka Itoobiya.

Magaalada Xudur waxaa gaaray saraakiil AMISOM katirsan wasiirro ka socday maamulka shariif Sakiin iyo Xildhibaano katirsan DF-ka dhammaantoodna waxay ugu baaqeen maleeshiyaadka Itoobiya ka hoos shaqeeya in ay ubabac dhigaan mujaahidiinta Al Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya ayaa bishii lasoo dhaafay sheegay in ciidamadooda ay kala baxayaan Soomaaliya marka laga reebo 2000 oo Askari kuwaasi oo qeyb ka ah waxa loogu yeero howlgalka AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi