War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Soomaaliya ka dagaalanta ay halis ku tahay doorashooyinka soo socda ee DF-ka ay qaban qaabinayso.
Maxamuud Cali Yuusuf oo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Jabuuti ayaa raja xumo ka muujiyay xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya isagoo xarakada Al Shabaab ku eedeeyay in ay qaadi doonto weeraro ay ku carqaladaynayso doorashooyinka.
“Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ee ku xiran Al Qaacidda wuxuu dajiyay istiraatiijiyadda sare uqaadista weerarada marka ay soo dhowyihiin doorashooyinka, Jabuuti walaac ayay ka muujinaysaa in Al Shabaab ay carqaladayso qabsoomidda doorashada Soomaaliya” sidaas waxaa yiri Maxamuud Cali Yuusuf oo lahadlayay wargeyska Horn Afrika.
Jabuuti waxay sheegtay in ciidamadeeda ku sugan gobolka Hiiraan ay weeraro joogta ah kala kulmayaan xarakada Shabaabul Mujaahiidin waqti ay dib ugurasho ballaaran sameeyeen ciidamada Xabashida Itoobiya.
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti wuxuu carrabka ku adkeeyay in Al Shabaab ay laba laabi doonto weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye isagoo quus ka muujiyay in doorashooyinku ay ka qabsoomaan magaalooyin katirsan gobolka Hiiraan.
Ciidamada Melleteriga Jabuuti ee ku sugan magaalooyinka Buula Burde iyo Jajalaqsi ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa hareerayn kala kulmaya mujaahidinta Al Shabaab.
Isha Warka: InaNews