Xilli musuq maasuq baahsan uu ka dhax jiro madaxda dowladda Federaalka ayay dowladda Turkiga shaacisay in lacago malaayiin dollar ah bil walba ugu deeqo hoggaanka dowladda.
Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in lagasoo bilaabo bishii June,2016 illaa iyo hadda ay bil walba lacag 2 Milyan oo dollar ah siiyaan hoggaanka DF-ka.isagoo wareysi siinayay idaacadda codka Mareykanka VOA ayuu ka dhawaajiyay in turkiga kaalmooyin kala duwan siiyo maamulka Xasan Sheekh.
Guddiga doorashooyinka dadban ayaa bishii lasoo dhaafay sheegay in aysan hayn lacago ay kusii wadaan howllaha doorashooyinka halka dibad baxyo ay dhigeen kumanaan katirsan shaqaalaha dowlada Federaalka kuwaasi oo ka cabanayay lacagihii ay mushaarka u qaadanayeen oo muddo bila ah aan lasiin.
Dhinaca kale dowladda Turkiga ayaa beenisay in ay saldhig melleteri ka furan rabto xeebta magaalada Muqdisho.
Olgen Baker oo ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in ay saldhig melleteri ka furanayaan soomaaliya “ma jiro saldhig aan ka Furanayno Muqdihso ama xitaa Somalia, Xitaa saxaafadda Turkiga arrintan way ka hadashay, balse waxaa socda dhismaha Xero lagu tababaro ciidamada soomaalida” ayuu yiri Danjire Baker.
Dowladda Turkiga oo duullanka dhaqaalaha iyo akhlaaq darada kusoo qaaday soomaaliya ayaa dhibaata weyn ku haysa shacabka soomaaliyeed, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in masaalixda Turkiga ee soomaaliya ayaa ciriiri kujirto marka loo eego galaangalka siyaasadeed ee dowladda imaaraatka ka waddo gudaha soomaaliya.
Liibaan Jeexoow Cabdi