Wararka naga soo gaadhaya wadanka Itoobiya ee kacdoonada la daalaa dhacaya ayaa sheegaya in ay guud ahaan wadanka soo food saartay dhaqaalo yari dhinac kasta ah kadib mudo sanad kabadan oo wadanku uu is dhex yaac kujiray.
Sida aan xogta kuhelayno waxaa meeshii ugu hoosaysay maraya dhaqaalaha wadanka Itoobiya kadib markii dalxiisayaashii wadanka iman jiray ay istaageen isla markaana dadkii maal gashadayaasha ahaa ay joojiyeen mashaariicdii ay wadankaas kawadeen.
Sidoo kale madaxdii hantida dadka uruursan jirtay iyo ganacsatadii ayaa bangiyada wadanka kala baxay kadib markay ubaqeen in hantidoodu ay ku go’doonto meesha waxaana la arkayaa saraakiisha wadanka ugu saraysa oo wadamo kale wax dhiganaya.
Sida warku uu muujinayo waxaa wadanka soo food saartay baahi lacageed iyo sicir barar uu heerkiisu sareeyo iyadaa 100 ka dooller ee Maraykanka ah uu gaadhay meeshii abid ugu saraysay oo ah 2600 oo Birr.
Waxaa lasheegayaa in ay guud ahaan wadanka ka faaruqday lacagtii adkayd kadib markay siyaasiyiinta wadanku lacagahoodii labaxeen isla markaana gaysteen wadamo kale.
Dhinaca kale waxaa shaqaalaha iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya haysta mushaar la’aan mudo bila ah halka isgaadhsiintii wadankana lagaray, sidoo kale waxaa haloodii kasii socda mudaharaad yadii lagu diidanaa xukunka kooxda TPLF.
ONA.