Waxa loogu yeero Beesha caalamka ayaa markale walaac ballaaran ka muujisay xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya iyo awoodda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Warbixin kasoo baxday kooxda qaabilsan dabagalka cunaqabateynta saaraan Somalia Eritrea ee loo yaqaan “Monitoring Group” ayaa si qota dheer uga hadashay xaalada dalka Soomaaliya.
Monitoring Group waxay sheegtay in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay halis ku tahay ammaanka dowladda Federaalka iyo danaha reergalbeedka ee dalka Soomaaliya.
Q.Midoobe ayaa walaac ballaaran ka muujisay in galaangalka melleteri,midka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee Xarakada Al Shabaab ay ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya.
Warbixinta oo la faafiyay maalintii jimcaha waxay si kulul u weerartay dowladda Federaalka oo ay sheegtay in musuq maasuq iyo wax isdaba marin ay ragaadisay dhammaan howlihii beesha caalamka u igmatay kooxda taakta daran ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
Monitoring Group waxay soo hadal qaaday weeraradii halyaynimo ee ciidamada shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen saldhigyo ciidamada AMISOM iyo Itoobiya ay ku lahaayeen gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaalida sida weeraradii Leego, Janaale iyo Ceel-cadde.
Warbixinta oo lagu wareystay khubarro reergalbeedah ayaa banaanka soo dhigaysa tabardarrida maleeshiyaadka DF-ka oo aan wax mushaaraad ah qaadan.
“dhaq dhaqaqa xagjirka Al Shabaab wali waa awood halis ku ah ammaanka soomaaliya, ciidanka qaranka soomaaliya ma guuleysan oo musuq maasuq ayaa ragaadiyay”ayaa lagu yiri warbixinta.
Q.Midoobe waxay warbixinteeda kusoo hadal qaaday in duqeymaha ay mareykanku ka fuliyaan soomaaliya ee lagu dilay hoggaamiyaal katirsan Xarakada Al Shabaab aanay wax saameyn ah ku yeelan habsami u socodka maamullada islaamiga ah iyo dagaalka lagula jiro ciidamada shisheeye.
Warbixinta ayaa tusaale usoo qaadanaysa in Xarakada Al Shabaab ay heshay walxaha qarxa oo awood sare leh islamarkaana ay ku weerartay saldhigyo ciidan iyo hoteello kuyaal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
“iyadoo beesha caalamka ay kaalmo ballaaran ku bixiso ciidanka qaranka soomaaliya hadane waa sii burburayaa oo ma awoodo hanashada ammaanka dalka” ayaa lagu yiri warbixinta.
Monitoring Group waxay xaqiijisay in agabyo melleteri oo dowlado reergalbeed ah ugu deeqeen dowlada Federaalka soomaaliya la musuq maasuqay oo aan la ogeyn halka la marsiiyay, tusaale ahaan ciidanka DF-ka ma awoodaan in ay xajistaan deegaanada iyo magaalooyinka ay ka baxaan ciidamada AMISOM sababa la xiriira iyagoo aan heysan mushaar joogta ah iyo saad melleteri sida ay ku dooday warbixinta cusub ee UN-ka kasoo baxday.
Dhinaca kale Q.Midoobe ayaa soo hadal qaadday in Xarakada Al Shabaab ay dhaqaale ballaaran ka hesho bulshada Soomaalida islamarkaana dhaqaalahaasi ay si wanaagsan uga faa’iidaysato oo ay ku maarayso dagaalka ay kula jirto ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay.
Monitoring Group ayaa warbixinteeda sanadlaha ah uga dardaar wariysay sii xoogeysashada shabaabul Mujaahidiin iyo musuq maasuqa dilooday kooxda Villa Somalia ee kaba qaadka u ah dowladaha shisheeye ee dalka kusoo duulay.