FAALLO:- Khilaafkii Kooxda TPLF oo Gaadhay Xabad & Kalatag, Qore: Dr. Maxamud Ugaas.

14484970_535843969947266_4448989905348464316_n
Sida aan ka war haynay in muddo ahba wuu soo badanayey khilaafka u dhexeya xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhada TPLF, haddase wuxuu gaadhay in shirkoodii ugu danbeyey ee dhaca Oct 28, 2016 ay isu qaataan xabbad iyo gacan ka hadal, ayna ku jiraan mugdi aad u ballaadhan, oo ayna xataa jirin wax maamulaya go’aankii ugu danbeyey ee ay qaateen, oo ahaa in xukun deg-deg ah lagu soo rogo waddanka oo idil.
Sida ay qorayaan saxaafad badan oo caalami ah oo ay ka mid yihiin “African Intelligence, caddadkii N1437 ee soo baxay Oct 28, 2016” iyo “Indian Ocean Newsletter caddadkiisa N2323 ee soo baxay Oct 29, 2016”. Shirkaas TPLF ee ka dhacay Shereton Hotel Addis Ababa, waxaa khasab ku soo galay garab ka mid ah TPLF oo aan lagu casuumin shirka, oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha gobolka Tigrey Abay Woldu oo saldhigiisu yahay Maqale, TirfuKidanemariaoo ah xaaska madaxweynaha gobolka Tigree Abay Woldu isla markaana horay uga mid ahayd Guddiga Fulinta ee TPLF, haddana ah Safiirka u fadhiya Ethiopia dalka Australia.
Waxaa kale oo aan la casuumin oo khasab uga soo qayb galay gabadhii uu dhalay Meles Zenawi Semhal Meles Zenawi oo iyada oo cidan hubaysan wadata xoog ku soo gashay shirka. Waxaa shirka abaabulay ninka hadda ugu xooga badan Ethiopia ee la yidhaahdoDebretsion Gebremichael oo ah Raysal Wasaare Ku Xigeen, isla markaana ahaa Madax-weyne ku xigeenka gobolka Tigrey, oo isagana saldhigiisu yahay Addis Ababa. Debretsion waxaa laga soo eryey gobolka Tigrey isaga oo aan xilka laga qaadin, wuxuuna xoog ku maroorsaday xukunkii dhannaa ee TPLF, isaga oo fadhiistay Addis Ababa, iskuna magacaabay Raysalwasaare ku xigeen.
Shirkaas Shareton ka dhacay wuxuu ku casuumay xulufo uu isagu sameystay oo ay ka mid yihiin AbaTsehaye, Roman GebreSellasie iyo Tewolde Berhe, wuxuuna ka dhaadhiciyey in xilka laga qaado labada nin ee kala ah Raysal-wasaaraha maqaarsaarka ah Xaylemariam Desleyn iyo Madaxweynaha Tigrey Abay Weldu.
Dabadeedna waxaa ka warhayey in uu shir abaabulayo kooxdaas aan kor ku soo sheegnay, waxayna shirkii ku soo galeen xoog iyo xabbad. Waxaa ugu soo horgalay shirka Abay Woldu madaxweynihii Tigrey oo wata Raysal-wasaaraha maqaarsaarka ah Xaylemariam Desleyn oo aad mooddo in uu afduub yahay oo aan garanaynin meel loo wado. Kooxdii shirka waardiga ka ahayd, ayaa joojiyey Xaylemariam, kabacdina u gacan qaday oo xoog kaga saaray hotelkii shirku ka socday. Abay Wolduna xoog ciidan ayuu ku galay shirka.
Intaas kabacdi waxaa baryahanba ku sugnaa magaalada Addis Ababa Tirfu Kidanemariam oo ah xaaska Abay Woldu ahna Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Australia. Tirfu Kidanemariamayaa iyaduna is tidhi xoog ku gal shirka, waxaase ka raacay ceeb iyo in sidii ay askartii u garaacayeen meeyd ahaan looga qaaday irriddi sare ee Sheraton hotel. Intaasi markay dhacday, ninkii xoog leh ayaa shirkan oo kale gale’e gabadhii uu dhalay Meles Zenawi SemhalMeles
oo wadata ciidan xoog ah ayaa khasab ku soo gashay shirkii.
Shirkaas ayaa fashil iyo natiijo la§aan ku soo dhamaaday wixii lagu go§aamin lahaana hawadaa lagu laayay, waxaa kaloo uu shirkan iyo dhacdooyinkaas aan kasoo sheekaynay ay cadaynayaan heerka uu gaadhay khilaafka u dhexeeya kooxda TPLF ee wakhtigeedu dhamaaday.
W/Q: Dr. Maxamuud Ugaas