War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (The Pentagon) ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday gobollada Dhexe ee Soomaaliya 28,9,2016 aan lagu beegsan Al Shabaab.
Mareykanka ayaa xaqiijiyay in duqeyntaas oo ay fuliyeen ciidanka Cirka Mareykanka lagu laayay Maleeshiyaad gacan saar lalahaa dowladda Federaalka.
War qoraal ah oo ay faafisay wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu yiri “Weerar 28,September 2016 ka dhacay Mandiqadda Gaalkacyo ee Bartamaha Somalia waxaa lagu dilay 10 katirsan maleeshiyaad maxalli ah oo gacan saar laleh dowladda Federaalka”.
Mareykanku haba yaraatee wax raalli gelin ah kama bixin duqeynta uu ku laayay maleeshiyaadka maamulka Galmudug isku magacaabay, sidoo kale Mareykanka waxay diiday in duqeyntaas ay ku dishay dad shacab ah.
Cumar Cabdi Rashiid Sharmake ayaa horay ugu baaqay Mareykanka inay magdhaw ka bixiso dhibaatadii ay u geysatay maleeshiyaadka Galmudug.
Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in howlgal wadajir ah oo ay iska kaashadeen ciidanka Mareykanka iyo ciidanka PS-ta loo yaqaan ay ku dileen tobaneeyo dagaalyahan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin!.
Balse Warkan kasoo baxay Mareykanka ayaa dab kusii shubaya colaaddii u dhaxaysay Galmudug iyo maamulka Puntland isku magacaabay.
http://www.reuters.com/article/us-usa-somalia-idUSKBN13526O
Liibaan Jeexoow Cabdi