Magaalada Jigjiga Waa Caasmida Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya, ama Kililka Shanaad ee Itoobiya, waa Magaalo ay Dadkeedu Cabsi Joogto ah Kunoolyiin Waa Magaalo aanay Xuquuqda Aasaasiga ah ee Xor ahaanshahA Hadalka iyo Dimiqoraadiyadin Kajirin.
Xidhxidhaanta waxa ay laqabtaa Guud ahaan Dalka Itoobiya oo Nidaam Diktaatooriyada Kushaqeeye Basle Waxa ay Jigjig kaga Duwantay Magaalooyinka kale ee Waddanka Itoobiya Cabsida Xooga leh ay Lanoolyiin Dadkeedu, Waa Magaalo aad Kuwaayi Karto Xoriyadaada ama Nolshaadaba Hadal ama in Lagu Masabido.
Kooxo Haween ah ayaa Kantrolka lagu Bahdilayay Iyaga oo Loobaadhayay siarxandaro Kamuuqato Dadkii Rakaabka ahaa ayaan Hoos Uwaydiiyay Waxa ay Dumarkani Yihiin waxana Laysheegay in ay Sitaan Alaabo yar oo ay Qaab Qarsoodi ah uga Soo iibsadeen Magaalada Wajaale iyaga oo Raba in ay Jigjiga U iibgeeyaan intaa Wajaale iyo Jigjiga Dhexdeeda sii soconay Waxa Nalagu Baadhay Dhawr Kantarool Wakhti Casar ah ayaan Soogaadhnay Jigjiga Waa Magaalo Xoogaa Dhanka Wadooyinka Hargeisa Ka Dawadooyin Fiican Sidoo kale Laydhadh ayaa Jidadaka Lagu Xidhay Inkasta oo anaay Habeenkii Baxaynin Waxana Laygu Sheegay ina ay Tahay Cilad Farsamo oo Dhanka Laydhka ahi Jirbay Basle ay Caadiyan Habeenkii Baxaan.
Markii aan Xooga Yara Nasanay kuna Degnay Hotel Magaalada Kuyaala ayaan Mid kamida Dadkii aanu Wadasoconay oo Magaalada Aqoon U leh Kacodsaday in uu Magaalada Isoo Dhexmariyo Balse si aanu Usooyarada Daawado maadama ay Markii iigu Horaysaytahay, waxa uu sid Degdeg ah oo ay cabsi iyo argagax Kamuuqo iigu Jawaabay Miyaad Ina Dilaysaa Waar Inta aynu Bari Subaxa Kabaxayno Magaalada Meelna uga Bixi Mayno Hotelka iyo Qolkeena! Yaabay oo Maxaa dhacay si sharci ah ayaynu Dalka Kusoogalnay Sharcigeenana waynu wadanaaye? ayaan ugu jawaabay.
Halkan Saaxiib Sharci kama Shaqeeyo Waxana aad Noloshaada kuwaayi karta ama aad Xabsi Dheer kumadan Karta in lagu Yidhaahdo Waxa aad Tahay Nabad-diid iyo waanu kaashakinay markaa halkaN jigjiga waa lays wada yaqaana oo Qofka Habeen kusoobira waa la Ogyay ee intii Suuqa Madaw Laynagu Qaban Lahaa Halka Hotelka EE Layna Wada Arkayo Halaynoogu Yimaado ee Sug, Waxa ay ii ahayd Arin aad iiga Yaabisay Waxase aan Sii Garwaaqsaday Markii Mudo Yar kadib uu Nooyimi Ninkii Hotelka Kamasuulka ahaa Waxana uu Nagu yidhi si cabsi Kamuuqato.
Hotelka Meelna hawga Bixina Xaalada Magaalada Kajirta Waad Ka Warqabtaan ayaan Filayaa,ye waxa uu intaas noogu Daray Hadhaw Sharciyadiina iidhiiba Baadhista ayaan Gaynayaaye Markaas ayay ii Cadaatay in aan Soogalay Xabsi Dusha Kafuran Waxana Nalaga Qaaday Passporadii Salaadii Makhrib Kadibna Waxa Saacad Kadib Nooyimi Niman Boolis Sheeganaya Waxa ay Nawaydiiyeen Dhawr Su,aalood oo Safarkayaga Laxidhiidhay Intii ay Wax Nawaydiinayeen Waxa Nadul Joogtay Inkii Hotelka Kamasuulka ahaa oo Kolba Ku Odhanayay Waa Inamadii aan Kuusheegayay ee Safarka ahaa Waxa ay nagaga Tageen Sidii Waxana ay Habeenkii oo Dhan nalaga Maqnaayeen Sharciyadii Markii Waagu Baryay aya Nalagu Soceliyay Passporadii. Waa Dhaqan kajira Magaalada Jigjiga Halkaas oo Qofkasta oo Kusoobiira Maglaaada Lagu Wargaliyo Rajiimka Shacabkiisa Cabsida Daran Kubeeray.
Markii Waagu Baryay ayaanu Safarkayagii Siiwadanay Waxana aanu kabaxnay Magaalada Jigjiga Markii aanu Kadhamaanay Deegaanka Somalida Itoobiya ayaa Waxa Dadkii Dareemeen Nabad iyo Daganaasho aanay Cabsiyi Kujirin Dhamaan Goobaha Gaadiidka Lagu Baadho ayay Dadki Si Aamaan iyo kalsooni Kamuuqato kumarayeen Waxana Dhamaanba aan Jirin Laaluushkii Sootaxnaa ilaa Kantaroolka Wajaale ilaa Kaaraa Mardha.
Magaalada Addis ababa Markii aanu Soogaadhnay Waxa aan Dareemay Degenaasho Horumar iyo Nabad ay Dadkeedu Kunoolyiin Waxana aan Iswaydiiyay Sababta ay Jigjigi Utahay Magaalo Cabsi iyo Walbahaar ay Dadkeedu Kunoolyiin Waxana Dadkii Deegaanku iisheegeen ay Arintaa Cabsi galinta ah ay Kadanbayso Xukuumada Madaxwaynaha kayahay Abdi Maxamuud Omar Ilay iyada oo u Jeedooyin kala Duwan kaleh. Waxa Kuyaala Magaalada Jigjiga Xasbiga Caanka ah ee Jeel Ogaadeen kaas oo ay Kujiraan kudhawaad 5000 o Maxbuus Kuwaas oo Arimo Siyaasadeed Loosooxidhay
Waxkasta oo loola jeedaba Magaalada Jigjigii Waa Magaalo ay Dadkeedu Cabsi Kunoolyiin, Waxana aan Ku khiyaasay Xabsi Ama Jeel Dusha Kabanaan