Miyaad Iloowday Xasuuqii Magaaladda Qabridahare ee 15 Nov 2005?

Warbaahinta Qorahay Media oo kaydisa dhamaan tacadiyada & xasuuqa shacabka loo gaysto ayay maanta idiin soo gudbinaysaa dhacdadii 15 Nov 2005 ka dhacday magaalada Qabridahre oo noqotay kuwa ugu caansan waana kan qoraalkii aan xiligaas ka qoray.

Markaan dareenkayga xuuraamay een xilliyada daba-galay, xusuus qorka maskaxdaydana xirrib feejigan ku eegay, waxaan xiskayga ka helay xaqiiqda ay xanbaarsan tahay 15 Nov. Xusuustayda kama aanay bixin, xiskaygana kama aanay lumin xanuunka ay maalintani leedahay iyo taariikhda ay xanbaarsan tahay.

15-ka Nov waxay astaan u tahay damaca gumaysiga iyo diidmada waddaniga, waxayna maalmaha kale dheer tahay dhacdooyinka ay xanbaarsan tahay, oo marna danqasho iyo daanno kuu horseedi, marna dareen iyo ciil-dirir kuu tusmayn. Maalintani waxay ku beegan tahay sannad guuradii 9aad ee ka soo wareegtay xasuuqii ay ciidammada Itoobiya ka gaysteen magaalada Qabridaharre.

Waxay ahayd maalin talaado ah, taariikhduna waxay ku beegnayd 15 Nov 2005, markii ay ciidammada Itoobiya si waxshinimo ah suuqa magaalada Qabridaharre ugu xasuuqeen dhalinyaro ka badan 30 qof oo ciidammada Itoobiya ugu xidhxidhnaa xabsiga Qabridaharre.

Maalintani waxay ehel la tahay oo summada taariikhda la wadaagtaa maalmoo kale oo ciidammada Itoobiya ay xasuuqa ka gaysteen meelo kale oo ka mid ah dalka Ogaadeenya.

Maalintani waxay sannadkan ku soo beegantay iyadoo ciidammada Itoobiya ay ku mashquulsan yihiin gumaad saf-mar ah oo ay ka wadaan dalka Ogaadeenya. Waxay ku soo hagaagtay iyadoo ciidammada dad-cunka ah ee Itoobiya ay wali gacmaha kula jiraan dhiiggii maatida iyo duqayda Ogaadeenya ee aan awoodda u lahayn inay cadowgooda iska caabiyaan.

Ciidammada Itoobiya markii ay ku guul-darraysteen inay u babac-dhigaan dagaalka ay hormuudka ka yihiin CWXO ayay dib ugu noqdeen dadka maxasta ah ee aan u diyaarsanayn inay cadow iska caabiyaan. Waxaa magaalo walba oo Ogaadeenya ka mid ah ka dhacay gumaad iyo gabood-fallo kale oo Ciidammada Itoobiya u gaysanayaan dadwaynaha nugulka ah ee Ogaadeenya.

In kastoo uu gumaysigu quud-darraynayay in dadwaynaha Ogaadeenya ay is-dhiibi doonaan marka si naxariis darro ah loo xasuuqo oo cadaadis nacabnimo ah la saaro, haddana waxaa muuqata inuu sidoo kale ku guul-darraystay rajadii uu qabay.

Sida uu dagaalkii ugu guul-darraystay ayuu cadaadiska dadwaynahana ugu guul-darraystay. Ilaa iyo hadda waxaa cad in dadwaynaha Ogaadeenya ay u dhabar adaygeen dhibaatooyinka gumaysiga kaga imanaya, isla markaana uu halgankii Ogaadeenya sii karaar qaatay.

Sida ka muuqata taariikh-halganeedk a shacbiga Ogaadeenya, mar kastoo uu gumaysigu kordhiyo cadaadiska iyo dulmiga uu ku hayo dadwaynaha uu gumaysto ee Ogaadeenya, waxaa sii koradha dhiirranaanta ay dadwaynaha Ogaadeenya ku dhiirradaan halgankooda.

Tan iyo markii dalka Ogaadeenya ay ku habsatay masiibada gumaysigu waxaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ka dhacay dhacdooyin xasuuq oo gumaysigu gaystay.

Waxaan marna la illoobi doonin xasuuqii Dhagaxbuur, oo loo yaqaano Kanoonigii, kaasoo Lixdameeyadii ay ciidammada Itoobiya magaalada Dhagaxbuur ku laayeen in ka badan 70 qof oo rayad ah.

Waxaan marna dareenka waddaniga daacadda ah ee Ogaadeenya ka lumi doonin xasuuqii Wardheer, oo ciidammada Itoobiya si bahalnimo ah magaalada Wardheer ay ugu xasuuqeen dad rayad ah oo tiradoodu kor u dhaaftay 80 qof horraantii sannadkii 1994.

Waxay dadkayagu waligood xusuusnaan doonaan xasuuqii ay ciidammada Itoobiya ka gaysteen Tuulada Hunjurri iyo nawaaxigeeda ee gobolka Jarar badhtamihii bishii June 2007, oo ugu yaraan 21 qof oo rayad ah ay ciidammada Itoobiya ku dileen.

Waxayna dadkaygu marna illoobi doonin xasuuqii bahalnimada ahaa ee ciidammada Itoobiya ka fuliyeen Tuulada Babaase ee gobolka Doollo 24 July 2007, oo ugu yaraan 10 qof oo rayad ah ay halkaas ku daldaleen.

Waxay dadkaygu maanka ku hayn doonaan xasuuqyadii Shilaabo, Dhagax-madow iyo meelo kale oo Ogaadeenya ka mid ah. Waxaan marna ka gadsoomi doonin maanka waddaniga daacada ah ee Ogaadeenya gabood-fal kasta oo ciidammada Itoobiya ku sameeyaan dadwaynaha Ogaadeenya.

Dhibaato kasta oo shacbiga Ogaadeenya ka soo gaadha gumaysiga iyo cawaantiisu waxay dhidibbada u sii aasi doontaa go’aankiisii ahaa inuu ka dhidhiyo waxyeellada gumaysiga, waxayna saad u noqon doontaa dareenka waddaniga keena-diidka ah ee Ogaadeenya.

Waddaniga diiday inuu gunnimada aqbalo. Waddaniga diiday inuu xumaha yeelo. Waddaniga diiday inuu sharaftiisa quudho. Waddaniga diiday inuu gudobtiisa illaawo. Waddaniga diiday inuu sinta u dhigto summada quudhsiga.

Anu waaban mayee, Wacad waxaan ku marayaa ama aniga laywaa ama waasan kuu bari.

Hoos ka daawo Heestii Xasuuqii Qabaridahare ee 15-Nov-2005 Iyo Ayaan Halgan.

Qorahay Media