Kadib kala shakigii iyo khal khalkii soo gala dhex galay hay’adaha xukuumada Gumaysiga Wayaanaha waxaa meeshii abid ugu xumayd gaadhay khilaafkii iyo niyad jabkii ciidamada sirdoonka Itoobiya kuwaas oo uu saamayn kuyeeshay kala qayb sanaantii soo food saartay.
Sida aan lawada soconay ciidamada sirdoonka ee wayaanaha ayaa guud ahaanba ku fashilmay howlihii ay gumaysiga uhayeen kadib markay kukala aragti duwanaadeen sida loola dhaqmayo shacabka, sidoo kale ciidamada sirdoonka ee wayaanaha ayaa wajahay aqabado kaga imaanayay dhinaca shacabka kacdoon wadayaasha ah kuwaas oo harqiyay shaqooyinkii laga rabay in ay qabtaan.
Taliska guud ee sirdoonka wayaanaha ayaa oo fashil kala kulmay talaabooyin hore oo uu doonayay in uu wax kaga qabto habac sanaanta ciidanka sirdoonka iyo macluumaadka xukuumada ee noqday mid lagaga sheekeeyo goobaha laga qaxweeyo.
Hadaba taliska ciidamada sirdoonka ayaa go’aan saday in ay qortaan ciyaal suuqiinta iyo kuwa daroogada isticmaala oo uu kusheegay dadka maanta qaban kara howlaha loobaahan yahay kuwaas oo sida uu sheegay kusugan goobaha ay dadka shacabka ah kubadan yihiin isla markaana ay qaban karaan howlaha sirdoonka ee xukuumada waa sida uu hadalka u dhigay e.
Arintan ayaa lagu macneeyay habar dhaliwayday aleelo kuwaalatay shaqadii ay qaban waayeen ciidan howlahan lootaba baray oo waliba wadamo kale tababar loogeeyay loogama fadhiyo in ay qabtaan kuwa darooga isticmaala ee darbi jiif yada ah.
Sikastaba ha ahaatee isku daygan ayaa lagu macneeyay kii ugu liitay ee uu qaado taliska wayaanuhu waxayna arintaasu muujinaysaa tabar yarida kooxda TPLF iyo sida naf lacaari nimada ah ee ay udhaqmayso.
ONA.