Gobalka Hiiraan waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ay wadaan Ciidamada Xabashida Itoobiya.
Shalay galinkii danbe gawaari xamuul ah ayaa waxa ay ciidamo ka daad gureeyeen janta kundisho gobalka Hiiraan iyagoo aaday dalkooda.
Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamada inay gubeen dhufeesyada ay ku lahaayeen Janta Kundisho.
Gudaha Itoobiya waxaa ka socda kacdoon qalqal galiyay xukuumada ay ku xooganyihii Tigreega.
Itoobiya ayaa horay ciidamo kala baxday Magaalooyin badan waxaana la wareegay Alshabaab.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS