Xaalada waxa loogu yeero doorashada Soomaaliya ayaa maraysa meel aad u xun,waxaana la gaaray in la dilo qof kasta oo ka hor yimaad habka damuljadiid wax u wadaan.
Waxaa jira Musuqmaasuq aan dhamaad lahayn iyo wax is daba marin aad u balaaran,waxaana la faraqayaa lacago aad u badan,xili dalkii abaaro xun ka jiraan oo ay dhimanayaan dadkii iyo duunyadii!.
Xildhibaannada ilaa iyo hadda la doortay waxaa ku dhex jira rag aad ugu dhaw Xasan Sheekh iyo xisbigiisa Damuljadiid, taasi oo keentay in maanta aan wax iska weydiino fursadaha uu Xasan Sheekh heysto iyo saraakiisha u ololeyn kara dib u soo noqoshada madaxweyne Xasan Sheekh doorashada 2016-ka.
Puntland:
Beelaha dega maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaa ay doorteen ilaa 19 Xildhibaan, tiradan ayaa qeyb ka ah ilaa 37 Xildhibaan oo laga sugayo Puntland.
Xildhibaannada Puntland lagu doortay waxaa ku jira Xildhibaanno xulufo la ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, kuwaas oo qeyb ka noqon kara dib u soo noqoshada Xasan Sheekh iyo ololihiisa sanadkan.
Xildhibaannada cusub ee Puntland lagu doortay qaarkood waxaa ay horay u soo noqdeen Xildhibaanno iyo wasiiro dowladda Xasan Sheekh, waxaana ka mid ah: Maxamud Xayir Ibraahim , Saciid Xuseen , Saciido Xasan Cabdi , Sacdiyo Careys Ciise Kaarshe iyo Cali Axmed Jama Jengeli.
Galmudug
Galmudug waxaa lagu doortay ilaa 13 Xildhibaan, Xildhibaannada ayaa qeyb ka ah ilaa 36 Xildhibaan oo lagu dooran doono magaalada Cadaado.
Galmudug waxaa ay ka mid tahay gobollada ay ka soo baxeen rag xulafo la ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, dadkan oo la hubo in ay qeyb ka noqon doonaan ololaha Xasan Sheekh.
Ragga garabka u ah ee lagu tiriyo xulafada Xasan Sheekh ee ka soo baxay Galmudug waxaa ku jira wasiiro iyo Xildhibaanno aad ugu dhaw madaxweynaha, waxaa ka mid ah: Mahad Maxamed Salaad, Qaasim Maxamed Jamac, Duniyo Maxamed Cali, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, Bootaan Ciise Caalin iyo Xersi Aden Rooble, ragga waxaa ay Wasiirro u ahaayeen Xasan Sheekh, waxaana la hubaa in ay qeyb ka noqon doonaan dib u soo noqoshada Xasan Sheekh.
Hirshabeelle
Ilaa 5 Xildhibaan ayaa lagu doortay Hirshabeelle, waa 5 qof oo uu ku dhaarto madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, marka laga reebo Khadiijo oo maalmo xukuumadiisa ku kacdey inta kale waxaa ay daacad u yihiin Xasan Sheekh, iyada xitaa waxaa ay wasiir ka soo noqotay xukuumadiisa.
Hirshabeelle waxaa ay soo saartay xulafada madaxweyne Xasan Sheekh sida Khadiijo MaxamedDiiriye, Maxamed Xasan Ibraahim Qoono, Abdirisaq Omar Mohamed, Faarax Sheekh C/qaadir iyo C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Dadkan wax falan-qeeya waxaa ay sheegayaa in Xasan Sheekh uu garab, xulufo iyo taargeero ka heysto inta badan dadka lagu doortay Galmudug iyo Hirshabeelle.
Koofur Galbeed
Ilaa 23 Xildhibaan ayaa lagu doortay magaalada Baydhabo, 69 Xildhibaan ayaa laga sugayaa Koofur Galbeed in ay ku soo daraan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
In kasta oo uu Sharif Xasan, waxaa madaxweynaha maamulka Koofur Galbeede uu u tartamaayo jagada madaxweynenimada Soomaaliya hadana dadka wax falan-qeeya waxaa ay sheegayaan in dadkan ay mar walbo laga filan karo in ay u soo laabtaan dhanka Xasan Sheekh oo waxaa daacad u yihiin madaxweynaha.
Xildhibaannada soo baxay ee xulafada la ah Xasan Sheekh waxaa ka mid ah Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Cabdiwahaab Ugaas Qaliif, Cabdiqadir Sharif, Raabaca Sh. Nuurow, Maxamed Mursal Maxamud , Khalif Duurey iyo Cabdi Ibrahim Sh. Muudey.
Jubbaland
Ilaa 37 Xildhibaan ayaa lagu doortay Kismaayo, waxaa jira Xildhibaanno lagu hubo in ay xulafo la yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, lana hubo in ay qeyb ka noqon karaa dib u doorashada Xasan Sheekh.
Xildhibaannada cusub ee Kismaayo lagu doortay, xulafadana la ah Xasan Sheekh waxaa ka mid ah: Cabdirashid Maxamed Xidig, Maryan Aweys Jaamac, Xamze Sheekh Xasan Colow, Luul Cabdi Aden, Cabdulahi Yusuf Xasan, Farxiyo Xasan Axmed , Sacdiyo Muuse C/laahi , Cismaan Ibraahim, C/raaxmaan Kumiye Xirsi iyo Sahro Jaamac Qorsheel .
Hadaba, xogtan waa mid aan ugu talogalnay akhristaha in uu ku ogaado halka ay wax u socdaan, waxaa si joogta idiinla socodsiin doonaa faahfaahinta dadka ku soo baxa Xildhibaannimada, Xulufeysiga dalka ka jira, waxaan si cad u saadaalin doonaa cidda ku soo baxeysa madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2016-ka.
Magaalada Cadaado ayaa noqotay goobta ugu weyn lacagaha ugu badan lagu kala furto marka ay timaado doorashada 2016.
Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayay hore rikoor ugu dhigtay Cadaado markii kursi kamida aqalka sare ay ku baxday lacag 2 Milyan Doolar ka badan, iyadoo Kursigii ugu horeeyay lagu bixiyay 1.5 Doolar lacag ku dhow, haddana waxaa muuqata in kuraasta aqalka hoose ay sidoo kale magaalada Cadaado hogaanka u heyso lacagaha lagu iibsanayo codadka ergada.
Kursiga Beesha Waceysle ee jufada Marooyin oo ku guuleystay ganacsade Cabdullahi Ali Ahmed oo loo yaqaan (Caddow Cali Gees) ayaa la sheegay inuu ku bixiyay lacag ka badan Nus Milyan Doolar.
Ganacsadahan ayaa xildhibaan noqday sanadkii 2012 isagoo markaas sheegay inuu xildhibaanimada ka dhigayo difaac iyo xasaanad, waana ganacsade qandaraasyo dhowr ah heysta oo ay ka mid yihiin kuwa AMISOM.
Kursiga labaad ee ugu lacagta badnaa Cadaado ayaa isla shalay waxaa ku guuleystay Saadaq C/kariin Xaaji oo ahaa agaasime ku xigeenka Madaxtooyada, wuxuuna heystay taageerada madaxweynaha.
Waxaa kaloo kursigan tartanka ku jiray Eng. C/llaahi Cali Xasan, waxaana la soo weriyay in labada musharax ee kursiga beesha Waceysle ee Cali Gaaf lacagaha ay bixiyeen ay sare u dhaafeen 600,000 (Lix Boqol kun Doolar).