DHAGEYSO:- Hantidhawrka Guud ayaa sheegay in doorashooyinka ay hareysey Musuq maasuq ayna ku baxdey hanti Dowladeed

Image result for Nuur Jimcaale Faarax

Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in doorashooyinkii Aqalka hoose ee ka dhacay qaar kamid ah magaalo madaxyada Dowlad goboleeedyada ay hareysey Musuq maasuq ayna ku baxdey hanti Dowladeed.

Dr. Nuur Jimcaale Faarax  ayaa sheegay in ugu yaraan 6 kursi oo ka mid ahaa kuwa loo tartamaayey loo beddeley gacantaag, musharixiintii ayaa qaar banaanka lagu reebay oo la sheegay in uu tanaasuley isaga oo aan tanaasulin, 6-da Xildhibaan ayuu sheegay in ay ku jiraan qayb kamid ah Aqalka sare.

Hantidhawrka ayaa sheegay in laba jeer gacan ka hadal ka dhacay Jowhar, qof ergooyinka kamid ah lagu diley Cadaado, marna rasaas ka dhacdey goobaha doorashada, Baydhabo dad musharixiin ah loo diidey in ay tartamaan, halka Kismaayo ergooyinka qaarkood gacanta isula tagaan.

 Dr. Nuur Jimcaale Faarax  ayaa sheegay in doorashadan aysan xalaal ahayn marka la eego qaabka ay u dhacayso oo ah keliya mid lacag lagu bixinaayo.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS