Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay si toos ah ula wareegtay dakhliga dowladda Soomaaliya soo gala xilligan kala guurka ah ee lagu jiro Doorashada.
Xogta ayaa sheegeysa in wixii ka danbeeyay Ogost 2016 lacagaha u soo xarooda dowladda Soomaaliya oo la dhigi jiray Bankiga Dhexe ee Soomaaliya lagu wareejiyay in si toos ah loo geeyo madaxtooyada.
Ku dhowaad saddex bilood waxaa kharaashka dowladda kasoo gala canshuuraha kala duwan iyo shirkadaha adeegyada bixiya ee dowlada heshiiska la ah ay toos lacagta u geeyaan madaxtooyada, iyadoo la sheegay in loo adeegsado howlaha Doorashada.
Caasimada Online ayaa hore u shaacisay in muddo 4 bilood ah aanay shaqaalaha dowladda qaadan wax mushaar ah, isla markaana ay hore uha maqneyd mushaarka laba bilood ah oo sanadkii hore raacday. Warbixinta waxaa ka mida ahaa in dakhliga Dekadda Muqdisho dowladda si toos ah loogu wareejiyo madaxtooyada Soomaaliya.
Xaaladdan ayaa muujineysa in xilliga kala guurka ah uu socdo boobkii ugu weynaa ee hantida Qaranka si loogu maalgeliyo in lagu soo saaro xildhibaano taageersan madaxtooyada oo marka danbe ka qeyb qaata dib doorashada Xasan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho