Mareykanka Oo Qirtay In Laga Dilay Sarkaal American Ah Oo Ka Garab Dagaalamayey Ciidamada Kenya.

mareykan

Warbaahinta Mareykanka oo soo xiganeysa Ilo wareedyo American ah ayaa qiray in la dilay Zachary Allan Bannister oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka xilli uu ka garab dagaalamayey ciidamada  Kenya.

Ilo wareedyadan ayaa sheegay in sarkaalkan la dilay 17-kii bishii Oct. ee la soo dhaafay waqti uu ku gudajiray howlihiisa shaqo balse waxay sheegeen aanan la heynin faafaahino dheeraad ah oo ku saabsan qaabka loo dilay.

Ilo Wareeyadan ayaa sidoo kale tibaaxay in Meydka Sarkaalkan lagu arkay magaalada Nairobi balse aanan la ogeyn halka lagu soo dilay iyo goobta laga keenay baqtigiisa.

Zachary Allan Bannister ayaa ahaa sarkaal rug cadaa ah oo ka soo dagaalamay wadamo badan oo uu ku jiro dalka Afghanistan, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa ciidamo American ah oo talooyin xagga dagaalka ah siinayey ciidanka   Kenya ee dagaalka kaga jira gayiga Soomaaliyeed.

Saraakiisha Mareykanka iyo warbaahintooda ayaa aad kaga gaabsanaya in ay shaaciyaan cidda dishay sarkaalkan iyo goobta lagu beegsaday balse warbaahinta  Shabaabka  waxay xaqiijisey in sarkaalkan iyo kuwa kaleba lagu dilay iska hor-imaayo bilooyinkii ugu dambeeyey duleedka Kismaayo ku dhexmarayey Shabaabka iyo ciidamadii Mareykanka ee hor socodka u ah ciidamada  Kenya iyo maleeshiyaadka Soomaalida.

Shabaabka   Jubooyinka ayaa dhowjeer weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo ku beegsaday kolonyooyin ciidamo ah gaallo ah oo isugu jira American, Soomaali iyo Kenyaati oo xilliyada qaar weeraro arbushaad ah ku soo qaada deegaanada dhaca duleedka Kismaayo ee ku jira gacanta Shabaabka.

Waxaa sidoo kale jira ciidamo American ah oo dhowrjeer ku fashilmay weeraro xilli habeenimo ah ay ku soo qaadeen deegaanada Alshabaab  islamarkaana qasaare lagu gaarsiiyey.

Dilkan Sarkaalkan wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan Mareykanka uu qirtay in Soomaaliya ay ka joogaan 200 ilaa 300 oo askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano Navy SEAL Team 6 ee qaabilsan howlgalada gaarka ah, ayna Soomaaliya u joogaan talo siinta iyo la howlgalida ciidamada Kenya  iyo Maleeshiyaadka Soomaalida.

Cutubkan wuxuu dhamaadkii sanadkii 2013-ka magaalada Baraawe ku soo qaaday weerar fashilmay oo xilli habeenimo ah ay ku doonayeen in ay ku galaan guri ay ku jireen qaar ka mid ah madaxda Alshabaab, balse wey ku guuldareysteen ka dib markii si adag la isaga caabiyey.

Sarkaal American ah oo u hadlay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM ayaa sidoo kale dhawaan qiray in ciidamadooda ay xilliyada qaar dagaallo toos ah ka galaan Soomaaliya, islamarkaana taasi ay keeni karto in qasaare nafeed uu ciidankooda ka soo gaaro dagaalka ay kula jiraan mujaahidiinta Soomaaliya.

Mareykanka ayaa badanaa isku daya in uu qariyo qasaaraha nafeed ee ka soo gaara dagaalka uu kaga jiro Soomaaliya, waxaana dhowrjeer uu qariyey magacyada Saraakiil muhiim ah oo looga dilay Soomaaliya balse ay goordambe eheladooda iyo warbaahinada Mareykanka xaqiijiyeen.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS