
Akhristaha sharafta mudanow waxaan jeclahay inaan marka hore Furka ka gooyo Tuubo xamdinaq Eebe ah sababkoo ah waa mid uu inaga mutaystay Maalin iyo Habeemba. Waxaan leeyahay, Ilaahay baa ku mahadsan inuu dadka Gaal iyo Muslim u qaybiyay oo uu inagu daray muslimiinta. ilaahay baa ku mahadsan inuu soomaalida Ogadenya u qeybiyay gobanimo udirire iyo dhuuni qaate inaguna daray gobanimodoonka. ilaahay baa ku mahadsan inuuna inagu darin inta woyaane dabajeex uu ka dhigtay Gaadiidka uu ku guuro, sidoo kale ilaahay baa ku mahadsan inuuna inagu darin kuwa ka amar qaata Cabdi Ilay ee uu Aakhiro iyo Aduumba seejiyay ee ku sugan gude iyo dibadba. Ugu dambayn ilaahay baa ku mahadsan inuu inaga dhigay umad soo jeedda oo hadh iyo habeemba u taagan inay xaqooda soo dhacsadaan dadkooda dulmana taageero u fidiyaan.
Waxaan filayaa in cidii soo dul maratay mahad celinta aan Rabi u gudbiyay ay idhaha ka doogsatay, dhagahana ka raaxaysatay balse intaa ka badan ayuu istaahilaa. Intaa kadib Maqaalkan oo ah mid aan rabo inaan ku falanqeeyo Dawlad ku sheegta faalisada ah ee loogu yeedho itoobiya bal akhristow Qalbi soo jeeda igula soco. Marka koowaad waxaan ku qanacsanahay inayna jirin wax la yidhaaho dawlad itoobiya ah waqtigan xaadirka ah, anigoo u cuskanaya inayana jirin Hay’ad ay leeyihiin oo si rasmi u shaqeysa. Waxaa meesha ka baxay gabi ahaamba geedi socodkii dawladnimo kadib markii dadwaynihii oo ahaa waxaa ugu muhiimsan ee lagu dhaato ay colaad Af iyo Adimba leh kala horyimaadeen.
HADAYBA JIRTO FAA’IIDO LAGA DHAXLAY TALISKA WAYAANAHA MAXAY NOQON
KARTAA?
Taliska woyaanuhu wuxuu ku doodayaa inuu keenay wax uu ku sheegay horumar ayna samaynin guumaystayaashii iyaga ka horeeyay, sida Buundooyin baanu dhisnay, Dabaqyo dhaadheer ayaanu dhisnay, Wadaanu Laami saaray, qolo walaayba afkaaga wax ku baro iyo wax lamid ah. Hadaba wuxuuna woyaane is waydiinin horta yaa qaalisan dadka iyo duunyada? wuxuu doonayaa inuu intaa ku qanciyo cidda uu ka laayay Odayaashii, ama uu ka xabisay Aqoonyahankii, ee uu waliba Dumarkoodii kufsi la qaabilay! waxaa warkii oo dhan isku fuuqsaday markii Gobol walba gaarkiisa cunaqabatayn dhan walba ah loo saaray. Sidaa daraadeed qowmiyad waliba waxay maanta jeceshahay burburka iyo basbeelkooda.
Wadanka Gabiga ka lusha ee aan xaaladiisa qadaa dhigayo waxuu hada dulsaaran Qawaanin loogu yeedhay xukun deg deg oo micnaha ku hoos jira uu yahay- deg deg u laaya, deg deg xabsiga ugu taxaaba, degdeg haweenka u kufsada iyo dedeg hantida dadka u booba! meel intaas oo masiibo ah kulansatay nololi maka suuto gashaa? Nolosha waqtigan ka jirta Itoobiya waxay la mid tahay Guri dabaq ah oo qolal badan ka kooban, blase aan Nal iyo iftiin kale toona lahayn. Guri noocaas ah oo kujira Gorayooy gabal kuu dhac, ma dhici karto inaad si wanaagsan ugu dhex mushaaxdo ood raashin wanaagsan ku dhex sameysato, ama aad Marti kusoo dhaweyso, maadaama oy tahay nolol haab,haabasho ku dhisan. Sabankan casriga ah ee uuna jirin xafiis shaqeyn kara internet la’aan ayaa maamulkooda mugdi sii galiyay, taasaana soo dedejisay in Ajaanibtii Maalgashiga usoo doolay ee ku kadsoomay brobogaandahooda ay ka huleelaan.
Shacabka somalida ogadenya oo karaahiyo badan kala kulmay talsika guumeystaha oo muddo dheer kali kusoo ahaa la dagaalankiisa ayaa maanta si wayn ugu riyaaqsan waxa kasocda itoobiya dhexdeeda. Hadii habeen guryaha lagala bixi jiray maanta iyagaa iskala baxaya. Hadii lagu odhan jiray maydka ma aasi kartaan maanta iyagaa aaskii isu diidan. Hadii Dumarka hortooda lagu faro xumayn jiray maanta iyagaa is fara xumaynaya. Hadii xabsi bilaa naxariis ah lagu guri jiray maanta iyagaa isku guraya. Hadii tuulooyika Dab la sudhi jiray maanta iyagaa kuwoodii Dab sudhaya. Hadii hantida laga boobi jiray maanta iyagaa is boobaya, sidaa awgeed inay itoobiya badbaado dani uguma jirto somalida ogadenya.
Ugu dambayn markaan isu wada geeyo waxaan soo dhago,dhageeyay, waxaan soo indho indheeyay iyo waxaan odorosayba waxay ii sheegeen in kooxdii woyaanaha ay ku habsadeen Abaaro siyaasadeed iyo mid Dhaqaale xumo intuba.
Xaaji M/rashiid Aw Macalim