Gumaysiga Ethiopia oo si weyn uga xumaaday geerida Fidel Castaro xusayna dagaalkii Ogaden War ee 1977-78

Madaxda gumaysiga Ethiopia oo si weyn uga xumaaday geerida ku timid dalka Fidel Castarihii Kuuba ee inqilaabka ku qabsaday kaas oo kamid ah dadka dhibaatada wali taagan ee gumaysiga Ethiopia qayb weyn ku lahaa.

Shir Ja’aaid oo ay qabteen qaarkamid ah xukumadda gumaysiga Ethiopia oo kala ah Ra’isul wasaarada Ethiopia & Madaxweynaha Ethiopia ayaa lagu sheegay Fidel Castro in uu ahaa nin u hiiliyay Ethiopia siiyayna hiil naf & maalba leh waxayna ku shegeen in uu mudan yahay dhamaan shacabka Ethiopia in ay u sameeyaan baroordiiq weyn oo ay ka xun yihiin geeridiisa.

Madaxweynaha Mulatu ayaa sheegaay in uu Fidel Castro ahaa ninkii ilaaliyay midnimada Ethiopia isaga oo sheegay dagaalkii Ogaden War ee dhacay sanadkii 1977-78 in ay Ethiopia ku sigatay in gabi ahaanba in qariiradda laga tir-tiro isaga oo sheegay in ay dulaan xiligaas Ethiopia ku soo qadeen Jabhado garab ka helayay dawladii Somaliya ee uu madaxa ka ahaan Maxamed Siyaad Barre rabi ha u naxaristee, Mulatu wuxuu sheegay Fidel Castro wuxuu noo cadeeyay in uu yahay walaalkana oo dhab ah isaga oo sheegay karabka aan ka helay oo ah mida maanta Ethiopia ku taagan tahay.

Sidoo kale Ra’isulwasaare gumaysiga Ethiopia Hailemaraim ayaa isna sheegay in aynan Ethiopia waligeed iloobaynin Fidel Castro isaga oo sheegay xili cidhiidha ah oo ay Ethiopia gashay waxaa ka saaray ciidamadii gurmadka noogu yimid ee Kuuba kuwaas oo bur-buriyay Jabhadii WSLF ee garabka ka helaysay dawladii Somaliya, wuxuuna sheegay Ethiopia in ay aynan waligeed iloobi doonin si dhab ahna ay noo taabanayso geeridiisa maxaa yeelay saxiib qaali ah oo aan dugsanaynay ayaa dhintay.

fidel_castro

Mengist oo garabtaagan Fidel Castro

Dagaalkii Ogaden War oo saamayn weyn aduunka ku yeeshay labadii garab ee dagaalku ka dhexeeyayna mideeyay  Midowga Soofiyeetga & isbahaystay ee loo yaqaanay Gaashanbuurtii Warso ayaa ah mid Taariikh weyn reebay wuxuuna ahaa mid loogu midoobay dhamaan umadihii la gumaysanayay oo markaas umaddii Somaliyeed wacad ku mareen in ay gacanta ku soo celinayaan guud ahaan gayiga Ogaadeenya ee ay Ethiopia gumaysato balse waa laga hiiliyay markii ay Ethiopia jabiyeen kana adkaadeen.

Fidel Castro ayaa geeriyooday isaga oo jira  90 sano waxayna guul weyn & farxadba u tahay dhamaan shacabka Somaliyeed meel uu joogaba maxaa yeelay waxay kuuna kamid ahayd askartii dulmiga u gar-gaartay ee garabka siisay Ethiopia su’aasha lays waydiinayo waxay tahay Ethiopia wataas taariikhdeeda & godobaha lagagay aynan iloobaynin ee maxaa loo waayay siyaasi Somaliyeed oo taariikhdaas soo bandhiga umadda Somaliyeed u sheegay godobihii laga galay ee ay Kuuba & kuwii dulmiga isu kaashanayay u gaysteen umadda Somaliyeed.

Halkan ka daawo dagaalkii oo socda.

Daawo dareenka Somalida xiligaas.

Qorahay Media