Human Rights Watch oo Dalka Jabuuti Ku Cambaaraysay Qaxooti Itoobiyaan Ahaa oo Woyaanaha Loo Gacan Galiyay

dj

 

Hay’ada xuquuqda aadamaha udooda ee Human Rights Watch ayaa eedayn culus dusha usaartay xukuumada Jabuuti waxayna Hay’adu sheegtay in si ula kac ah ay xukuumada Ismaaciil Cumar Geelle ugu tumanayso xuquuqul insaanka.

Xukuumada Jabuuti ayaa lagu soo waramayaa in ay taliska TPLF gacanta ugalisay dad u dhashay qoomiyadaha Oromada iyo Axmarada oo kusugnaa Jabuuti isla markaana qoxooti nimo kujoogay wadankaasi.

Sida xogta aan kuhelay xukuumada Jabuuti ayaa 150 qof oo Oromo iyo Axmaaro isugu jiray ugacan galiyay ciidanka wayaanaha ee kusugan xuduuda labada wadan kadib markay arinkaas ka wada hadleen taliska Gumaysiga Itoobiya iyo taliska Jabuuti.

Qoxootigan gaadhaya 150 ka qof ee lagu wareejiyay xukuumada wayaanaha ayaa mudo qoxooti ku ahaa wadanka Yeman kadib qalalaasihii wadanka Yeman kadhacay ayay qaramada midoobay keeneen wadanka hada xooga lagaga dhoofiyay ee Jabuuti.

Ma aha markii ugu horaysay ee xukuumada Jabuuti ay dad wadankeeda qoxooti ku ah ugacan galiso xukuumada Itoobiya wuxuuna taliska Jabuuti dhowr jeer oo hore xukuumada wayaanaha ugacan galiyay qoxooti ree Ogadenia ahaa oo kusugnaa Jabuuti.

Hay’adaha xuquuqul insaanka udooda iyo ururada caalamiga ah ayaa xukuumada Jabuuti ku cambaareeyay dadka shacabka ah ee ay wax yar kaga badalanayaan xukuumada gumaysiga Itoobiya.

Sikastaba ha ahaatee kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ladagay sumcadii iyo karaamadii dowlad nimo ee Jabuuti wuxuuna shacabka ree Jabuuti u abuuray colaad aan waligood ka hadhi doonin.

 

ONA.