Khilaafka u Dhaxeeya Xasan Gurguurte iyo Cumar Cabdi Rashiid oo Meel Xun Gaaray.

37171049

Xasan Gurguurte iyo Cumar Cabdi Rashiid ayaa saacadihii lasoo dhaafay hadallo kulul isku mariyay warbaahinta xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka labada dhinac u dhaxeeya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xasan Sheekh ayaa si kulul loogu weeraray Cumar Cabdi Rashiid oo maalin ka hor ku baaqay in isbedel lagu sameeyo hoggaanka dowladda Federaalka.

Xasan Gurguurte ayaa warka kasoo yeeray Cumar Cabdi Rashiid ku tilmaamay mid ayaan darra ah oo meel ka dhac ku ah doorashooyinka iyo musharixiinta.

“Waxaa wanaagsan inuu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid, ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda wali uu u hayo dalka ee Ra”iisul Wasaarenimo, ma wanaagsana in uu ololaha doorashadiisa shaqsiydeeyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xasan Sheekh.

Cumar Cabdi Rashiid ayaa olole ballaaran oo ka dhan ah Xasan Sheekh ka wada magaalada Kismaayo wuxuuna dadaal ugu jiraa sidii uu u gadan lahaa codadka xildhibaanada kasoo jeeda maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada nin ay lacago mallaayiin dollar ah lunsadeen islamarkaana ay wadaan xifaaltan dhanka siyaasadda ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi