Waa su’aal uu isweydiinayo qof kasta oo Soomaali ah, halka Madaxtooyada Somaliya ka keentay dhaqaalaha xoogga leh ee kaga baxaaya kuraasta Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.
Inta badan dhaqaalahan ayaa wuxuu Villa Somalia ka soo galay Dekeda iyo Garoonka Magaalada Muqdisho, sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen.
Sidoo kale Villa Somalia, ayaa qayb kale oo lacagahani kamid ah waxay ka heshay Dowladda Turkiga oo Xukuumadda Muqdisho ka caawinayso kaabayaasha dhaqaalaha.
Qaybta kale ee lacagahan, ayaa waxay Villa Somalia ka soo amaahatay ganacsato Somaliyeed, kuwaa oo ballanqaadyo muhiim ah ay u samaysay. Waxaa intaa dheer, waxaa jira warar sheegaya in Villa Somalia ay lacago ka heshay dowladaha dibadda qaarkood, sidii horeyba u dhacday doorashadan middii ka horeysay (2012).
Xubnaha ay wadato Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa lacago waali ihi ku bixinaya, sidii ay uga mid noqon lahaayen Mudane-yaasha Baarlamaanka Somaliya.
Baaxadda lacagaha xargaha goystay ee ay adeegsanayan xubnahan, ayaa si wayn looga dareemay Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Cadaado iyo Garoowe.
Ilo wareedyo, ayaa waxay xaqiijinayan in kuraasta qaarkood midkiiba lagu iibsanayo shan boqol oo kun oo lacagta Mareykanka ($500,000), halka qaarkoodna lagu iibsanayo lacago intaa ka badan.
Xagee ku baxayan lacagahan?
Lacagaha lagu iibsanayo kuraasta Aqalka Hoose, ayaa waxaa la leeyahay waxay xoogoodu ku dhacayan gacanta ergada soo dooraneysa Xildhibaanada, iyadoo Xildhibaan kastaa ay soo dooraneyso ergo ka kooban 51 xubnood.
Ergooyinkan, ayaa la rumeysan yahay inay isugu jiraan kuwo ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanada Somalida iyo kuwo kale, oo ay Villa Somalia ku soo bedeshay ergooyinkii saxda ahaa, ee odayaasha beeluhu soo magacaabeen.
Hoteelada oo lafdhabar u noqday musuq maasuqa.
Hoteelada ku yaala magaalooyinka ay doorashooyinkan ka socdaan, ayaa noqday halka ugu badan ee lagu kala laaluushayo ergooyinka saxda ah.
Mashquul xoogan, ayaa laga soo sheegaya hoteeladan, waxayna indhahaagu qabanayan shirar gaar gaar ihi oo ka soconaya hoteeladaasi.
Ergooyinka oo goobo kala duwan laga kala keenay, ayaa waxaa hoy u ah hoteelada, iyadoo dadku kuu sheegayan in qiimo koror uu ku yimid, qiimihii caadiga ahaa ee hoteeladaasi lagu seexan jiray.
Ciidamadii Qaranka oo bilaa mushaar ah.
Musuq maasuqa baahsan ee ruxay kuraasta Aqalka Hoose, ayaa ku soo beegmaya, xilli muddo billo ihi ay mushaaraadkii ka maqan yihiin Ciidamadii Qaranka.
Saraakiisha Ciidamada, ayaa waxay inoo xaqiijiyeen in dhawr bilood aysan wax mushaaraad ihi helin Ciidamada Qalabka Sida, welina ay ka dhawrayan Talisyada Ciidamada.