Micheal Keating “Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Waa in Ay Dhacaan inta aan lagaarin sanadda 2017”

37180010

Ururada iyo dowladaha gumeysiga ku haaya Soomaaliya ayaa war hor leh kasoo saaray dib udhacyada isdaba joogga ah ee ku imaanaya doorashooyinka dowladda Federaalka.

Micheal Keating oo ah Ergayga Q.Midoobe u qaabilsan Soomaaliya una dhigmay xaakimka madaniga ee gumeysiga dalka lageliyay ayaa ugu baaqay dhammaan maamul goboleedyada shisheeyaha taabacsan iyo DF-ka in ay dadajiyaan doorashooyinka.

War qoraal ah oo Micheal Keating uu kasoo saaray xerada Xalane ayuu ku sheegay in doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo midda madaxweyne ay dhici doonto inta aan lagaarin 2017.

Madaxda Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada ayuu ku amray in ay soo dhameystiraan xildhibaanada si loo doorto guddoomiye baarlamaan kadibna madaxweyne.

 Micheal Keating Wuxuu muujiyay in dib udhac ku yimaad doorashooyinka Hoggaanka DF-ka uu abuuri karo ismariwaa dhanka siyaasadda ah.

“waa in doorashado dhacdaa inta aan lagaarin sanadda 2017, balse beesha caalamka kama niyad jabeyso doorashada xataa haddii ay dib udhacdo”ayuu yiri Keating.

Guddiga doorashooyinka Dadban ayaa dhowr mar sheegay in dib udhac ku yimid waqtiga doorashada islamarkaana musuq maasuq iyo wax isdaba marin ay ka dhaceen magaalooyinka Cadaado,Jowhar,Kismaayo iyo Garoowe.

Liibaan Jeexoow Cabdi