11 Bilood ayaa laga joogaa markii uu dhacay dagaalkii deegaanka Ceel-cadde ee Koonfurta Soomaaliya halkaasi oo lagu laayay ku dhawaad 200 oo askar Kenyaan ah.
Duullaankii Ballaarnaa ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku qaaday saldhiggii melleteriga Kenya ee deegaanka Ceel-Cadde gobolka Gedo ayaa gallaaftay nolosha Boqolaal Askari iyadoona askar iyo saraakiil kale iyagoo maxaabiis ah gacanta ugu jiraan xarakada Al Shabaab.
Guul darradii Melleteriga Kenya kasoo gaartay Ceel-Cadde illaa iyo hadda kama go’in quluubta kumanaan Askari oo gudaha Kenya iyo Soomaaliya ku sugan.
Dowladda Kenya illaa iyo hadda wax jawaab ah kama bixin dagaalkii Ceel-Cadde mana qirin in laga dilay boqolaal Askari.
Wariye katirsan Warbaahinta Ingiriiska BBC-da ayaa warbixin ka diyaariyay Jawaab la’aanta dowlada Kenya ee dagaalkii Ceel-Cadde iyo waxa shabaab laga filan karo.