ADEEGSIGA WARBAAHINTA SHISHEEYA EE MALEEGISTA SHIRQOOLADA

imageedit_1_3112643688

Waxaa dalka la rabo in la waxyeello loo adeegsada brobaganda xagga warbaahinta oo aad ugu muhim ah wadamada shirqoolka u maleegaya wadamada kale ee danaha gaarka ah ay ka leeyihiin sida ayadoo la abuuro barnaamijyo dadka lagu jahawareerinayo waxaa loo yaqaano “misinformation”.

Tusaale: Idaacadaha shisheeyaha ee afka Soomaaliga ku hadla sida BBC iyo VoA qaybaha afka Soomaaliga. Idacadaas oo dadka badankood u heystaan inay yihiin kuwo xog iyo war siinaya dadweynaha Soomaaliyeed, waxay runtii yihiin kuwo taxliil cilmi ah “news analysis” ku sammeeya hadallada Soomaalida isku dhaafsadaan ee barnaamijyada dhowrka ah lagu faafiyo inay yihiin dad dawladnimo hanan kara inay yihiin iyo in kale iyo inay yihiin dad aaminsan wax dawladnimada ka hooseeya sida qabiyaalada, cadaalada darrada qaybsiga hantida dalka, iska horimaadaaka diinta iyo dariiqooyinka, ilbaxnimada, heerka musuqmaasaqa iwm.

Dhowaan mar la isku soo qaaday in la xiro qaybta Afka Soomaaliga ee BBCda, waxaa qof Brtish ah oo ka mid ah hoggaanka sare ee BBCda uu ku dhawaaqay in BBCda Qaybta Af Soomaliga ay muhimad gaar ah ugu fadhido dalka Britain sidaa darteedna loo baahan yahay inay sii soo shaqeyso ayadoo, sidaa la xusuusan yahay, BBC Qaybta Afka Somaliga la aasaasay 1957kii sababta ka dambeysana waxay ahayd in dadka Soomaalida aaney ku xirmin Idaacadii Sawtul ee Qaahir waqtigaas uu dalka Masar ka socday dagaalkii Qanaatul Suweys iyo dhaqdhaqaaqi gobannimadoonka Afrika oo Masar ay hoggaanka ka ahayd. Qofka maqaalkan aqrinayow, bal isweydiiya. Waa maxay faa’iidada uu qofkaasu sheegayo haddaan looga jeedin in si qallocan oo qaldan loogu qaabeeyo siyaasadaha dadku ay aaminsan yihiin Xitaa qofkaasu ma sii faahfaahin faa’iidada uu sheegayo waayo ma ahin wax afka lagu dhufan karo.

Soomaaliya waxyaabaha lagu dumiyay dawladdii u dhisnayd waxaa ugu horreeyay brobaganda BBCda Afka Soomaaliga.

Waxaa kaloo taas dheer ayadoo warak ay sii daayaan oo Soomaalida ku saabsan lagu saleeyo siyaasadaha ay wadamadaasi taabacsan yihiin umuuraha Soomaalida isku dhaafsadaan Idaacadahaas. Waxa ay halka ka qaataan rayul caamka Soomaalida iyo sida dadku ugu diyaarsan yihiin inay dawlad noqon karaan, dadka doodaha ka qayb galaya inta ay qodan yihiin, wareysyada lala yeelanayo qofka caadiga ah ee suuqa jooga isla markaana fursad uu ku hadlo la siinayo qof aanan kala garaneyn meel ay wax u socdaan amase ka socdaan laakinse hungri hayo waa waxay siiyeen magaca ah codka qofkaa aan codka lahayn the voice of the voiceless”

Waxaa kaloo loo adeegsada in aqliyaadka laga dilo wadanka la rabo in la halakeeyo iyo dhaqanka oo laga galo ayadoo la bartilmaameedsanayo dhalinyarada oo ah meesha ugu nugul haddana muhiim u ah mutjamac kastoo adduunka ka jira.

Sidoo kale waxa intaa dheer warbaahinta tirada badan ee hadda dalka ku soo korortay inta uu dalku ka jiray burburka. Waxa baxaaliga warbaahinta gudaha (local press attitude) ay dadyowga kale, gaar ahaana cadaawaha Soomaalida, ka dheehdaan inta ay la’eg tahay aqoonta iyo ilbaxnimada dadka wax baahinaya ee sita magaca saxafiyiinta.

Sababtoo ah ma jiro ajenda warbaahintu mxaliga ay leedahay ee lagu badbaadinayo dalkan ay musiibadu ku dhacday. Sida darteed, waxaa warbaahinta gudaha looga baahan yahay inay dejiso ajenda heer qaran oo dalka iyo dadka looga badbaadinayo xaladaha murugsan ee hadda dalku jiro iyo qatarta soo fool leh. Dadku waxaysan ilaa hadda garan isticmaalka FM yada gudaha ay isticmaalayaan idacadahaas xoogga weyn oo wararkoooda ay ku faafinayaan iyagoo ku hadlaya afka Soomaaliga.

Wadamada Galbeedka Afrika waxaa muddo hore laga joojiyay idacadaas shisheeyaha oo loo arkay in aaney dan ugu jirin dalalkooda balse looga jeedo in lagu qalqal geliyo dalalka ayadoo adeegsiga idacadaas ay qayb ka yihiin isticmaarka nooca cusub.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS