AMISOM waxay si bareer ah ugubtay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ka amba baxay degmada Qoryooleey kunasii jeeday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay halkaas oo uu khudaar u daabuli jiray isbuuc walba.
Gaarigaas waxaa ku dhintay dad ay ka mid ahaayeen darawalkii gariga Kirishbooygii gaariga ,Haweeney Iyo nin kale oo kamid ahaa rakaabka gaariga, ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa la sheegay in gaariga ay ku dhufteen Baasuuke sidaasna uu ku gubtay gaariga iyo dadkii saarnaa
Warbaahinta ayay u suurtagashay in ay sawirro ka soo qaaddo dadkaasi la xasuuqay, sawirradan oo ay adagtahay in la daawado ayaa waxaa muuqanaya dad dhuxuloobay iyo gaarigii khudaarta oo qeybo ka mid ah oo burburay.
Sawirradan aad hoos ka daawan kartaan waa Meydadka shacabkii soomaaliyeed ee ku gubtay gaariga ay madfaca laheleen ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda, sawirada ayaa muujinaya jariimada foosha xun ee ciidamada shisheeye ugeysteen shacab rayid masaafur ah.
Gabi ahaanba gaariga ayaa ah mid gubtay marka laga reebo qeybta dambe oo lagu arkayo khudaar qudheeda gubatay, Meydadka dadka la xasuuqay ayuu jirkoodu gubtay, tani waa muhiimadda rasmiga ah ee ciidamada shisheeyaha Midowga Afrika ay Soomaaliya u joogaan oo ah baabi’inta shacabka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka shareecada islaamka.