Dagaalo Lagu Hoobtay oo Gonder Kadhacay & Wayaanaha oo Fajacsan

36637786

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya dagaal aan waxba laysu reebanin oo kadhacay woqooyiga Gobolka Gonder ee dhulka Axmaarada.

Sida ilo wareedyo kusugan magaalada Gonder ay cadaynayaan dagaal aad uculus ayaa maalin nimadii shalay duleedka magaalada Gondr ku dhex maray ciidanka wayaanaha iyo ciidamo taabacsan Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj.

Dagaalkan oo ahaa mid mudo dheer socday ayaa laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana lasheegay in ay dagaalkan kaqayb qaateen taangiyo iyo diyaarado ay wateen ciidanka wayaanaha oo inta badan laga itaal roonaa.

Warka ayaa intaas kudaraya in ciidanka wayaanaha dagaalkan lagu soo gaadhsiiyay khasaare lixaad leh waxaana lasheegayaa in uu jabhada ugacan galay hub iyo saanad ciidan oo kala duwan halka bakhtiga ciidanka gumaysigana lakala guri waayay.

Dhinaca kale taliyihii aaga Gonder ee ciidanka Jabhada Gimbot 7 ayaa lasheegayaa in goobta lagu dilay halkaas oo ay ciidanka wayaanuhu sheegteen in ay gacan gaadhsiiyeen ciidanka Jabhada.

Sikastaba ha ahaatee dagaalada soo noq noqday ee udhaxeeya ciidanka wayaanaha iyo kuwa jabhada Gimbot7 ayaa wayaanaha kuriday niyad jab wayn waxaana ciidanka gumaysiga usuura gali waayay in ay talaabo gadiyaan.

ONA.