Hoggaanka sare ee dowladda Itoobiya ayaa xukuumada Masar ku eedeeyay in kooxo katirsan kacdoon wadayaasha Qowmiyadaha Gobanima doonka ay ku aruurinayso magaalada Al Qaahira si ugu dambeyn ay u ridaan nidaamka Addis Ababa.
Haile Mariam Dessalines R/wasaaraha Itoobiya ayaa wareysi dhinacya badan taabanay oo uu siiyay Telefeshinka Aljazeera wuxuu uga hadlay caqabadaha dhanka ammaanka iyo siyaasadda ee wadankiisa kajira.
Ugu horrayn wuxuu sheegay in dowladaha Masar iyo Ereteria ay hubaynayaan kooxo uu ku tilmaamay ‘Argagaxiso’ oo dagaal ka wadanka Itoobiya.
“Dowladaha Eereteria iyo Masar waxay soo hubeynayaan kooxo Argagaxisa ah oo ka dhan ah nabadda iyo daganaashiyaha Itoobiya kooxahaas waxaa ka mid ah kooxda Xureynta Oromia OLF” ayuu yiri Haile Mariam Dessalines.
Dhinaca kale R/wasaaraha Itoobiya oo wax laga weydiiyay kacdoonka sii xoogeysanaya ee wadankiisa ka socda ayaa qiray in gobolka Oromiya ay kajiraan kacdoono aan la dafiri Karin oo saameeyay dhaqaalaha wadanka.
“kacdoonada iyo mudaarahaadyada meel walba ayay ka jiraan waayahaan dambe gaar ahaan gobolka Oromia inkasta oo ay xukuumaddu wax ka qabatay dhaqaalaha”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Haile Mariam Dessalines.
Hoggaamiyaha Itoobiya ayaa ka dayriyay xaaladda dhaqaale ee wadanka Itoobiya wuxuuna carabaabay in 22-milyan oo Itoobiyaan ah ay ku noolyihiin faqri meeshii ugu dambeysan islamarkaana wadanka ay macluul baahsan kajirto.
Warka kasoo yeeray dowladda Itoobiya ayaa imaanaya xilli khilaaf daran oo ku aaddan qeybsiga biyaha wabiga Niil uu ka dhaxeeyo Addis Ababa iyo Al Qaahira.
Liibaan Jeexoow Cabdi