Waxaa soo gaba gaboobay kulan lagu sheegay xasaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya.
Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen dowladaha Itoobiya iyo imaaraadka waxaa awaawir hor leh lagusiiyay hoggaamiyaal katirsan maamul goboleedyada shisheeyaha taabacsan ee kajira dalka Soomaaliya.
R/wasaaraha Itoobiya iyo wasiirka iskaadhiga caalamiga dowladda Imaaraadka Carabta oo kulanka daadihinayay ayaa Shariif Sakiin Ku qanciyay in uu isaga haro tartanka madaxtinimada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in Shariif Sakiin uu Itoobiya ka helay balanqaad ah in uu sanado badan sii ahaan doono madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed islamarkaana lagala tashan doono xilalka ay qabanayaan siyaasiyiin kasoo jeeda Bay iyo Bakool.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Kariim Guuleed iyo Cali Cabdullaahi Cosoble iyana lagasii saxiixay heshiisyo ah in xildhibaanada kasoo jeeda maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug ay codadka siiyaan musharaxiin ay wataan Itoobiya iyo Imaaraadka marka lagaarso doorashada madaxweyne ee DF-ka.
Isbedelka dhanka musharixiinta ee ku yimid doorashada Dowladda Federaalka ayaa la rumeysanyahay in ay ceel kusii ridayso rajadii Xasan Gurguurte kalahaa in uu markale dib usoo laabto.
Dowladaha Itoobiya, Imaaraadka Carabta ayaa mowqif mid ah ka leh cidda kusoo baxaysa doorashooyinka lafilayo halka Mareykanka iyo ingiriiska ay taageersanyihiin dadaalada ay wadaan Addis Ababa iyo Abu Dhabi.
Xisbiga Damul Jadiid ayaa dhankiisa ku mashquulsan aruurinta lacago malaayiin dollar ah si uu ugato codadka xildhibaanada aan wali ladhaarin.
Si walba oo ay ahaataba xarig jiidka siyaasadda Soomaaliya ee ku dhisan dabadhilifnimada ayaa ah mid gabi dhaclaynaysa, dhammaan siyaasiyiinta u taagan qabashada hoggaanka DF-ka ayaa ucaysan dowlado shisheeye waxaana kamid ah kuwa horay ugatay badda Soomaaliya walina umadlan in ay dhiibaan barriga iyo kheyraadka dalka.
Liibaan Jeexoow Cabdi