SAWIRO:LA YAABKII DHAARTII-Xildhibaano kitaabka diiday iyo kuwo laba far ku dhaartay

Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, hase yeeshee waxaa soo shaac baxaya sawirro yaab leh oo muujinaya sida dadka qaar aysan daacad uga ahayn dhaarta.

Waxaa kaamirooyinka ay qabteen xildhibaano aan gacanta saarin kitaabka balse aqrinayey oo kaliya dhaarta, halka kuwa qaarna ay si aan niyad ku jirin kitaabka u gacan saareen.

Waxaa la arkayey xildhibaano uu ka mid yahay Cumar Cabdirashiid, oo aan si buuxda aan kitabaka gacanta u saarin balse taa beddelkeed saaray kaliya afar ama saddex ama xitaa laba far oo kaliya.

Boqolaal katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dabadhilifka ah ayaa la dhaariyay, 243 xildhibaan ayaa ku sugnaa madasha hoolka lagu dhaariyay xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa Kitaabka qur’aanka Kariimka ah gacanta saaray waxayna ku dhaaranayeen dastuurka gacan ku sameyska DF-ka ah in ay ixtiraamayaan arrinkaasi oo ah jees jees.

Dhammaan baarlamaanadii soo maray dowlada Federaalka ayaa ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya in ay qabsadaan magaalooyin iyo degmooyin katirsan dalka Soomaaliya.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS