Nin lagu magacaabo Caddoow Cali Gees oo ku magac dheer (Caddoow Dabagaab) ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada dowladda Federaalka.
Caddoow Dabagaab ayaa 20-kii sanadood ee lasoo dhaafay wadashaqeyn lalahaa sirdoonada Yahuudda iyo Mareykanka wuxuu howlwadeen ka ahaa isbahaysigii ‘Argagaxisa ladirirka’ ee sanaddii 2006 ay dagaal oogayaashii Muqdisho ku dhawaaqeen.
Ninkan oo markii hore ahaa ganacsade ayaa isku bedelay Nin ka ganacsada dadka muslimiinta Soomaalida ee ku dheggan diintooda, sirdoonada caalamiga ah ayuu ugacan geliyay tobaneeyo qof oo ku eedaysan dambiyada waxa Argagaxisada loogu yeero.
Wuxuu caan ka ahaa degmooyinka Yaaqshiid, Shibis, Kaaraan iyo Shangaani halkaasi oo howlgallada ugu ballaaran ay maleeshiyaadkiisu ka fuliyeen.
Dadka ku nool degmooyinka dhaca waqooyi Bari Muqdisho ayaa caddoow Cali Gees u yaqaanaan (Caddoow Eeyaale ama Caddoow dabagaab) sababa la xiriira isagoo eeyo u adeegsan jiray howlgallada ashahaadda ladirirnimo ee uu fulin jiray.
Sanaddii 2007 wuxuu ka badbaaday isku day la doonayay in lagu dilo xilli uu ku sugnaa xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.
Caddow Dabagaab ayaa sanaddii 2010 wuxuu gacanta ku dhigay mashruuca sahayda ciidamada shisheeyaha AMISOM isagoona waddo jid cadda ah oo isku xirta dekadda caalamiga ah iyo xerada Xalane dhise sidaasi ayuu ku helay lacago malaayiin dollar ah illaa uu ka noqdo xildhibaan.
Ugu dambeyntii shalay ayuu CaddoowEeyaale ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ee dowladda Federaalka.
Siyaasiyiin ku sugan Bariga Muqdisho ayaa sheegaya in tallaabadan uu qaaday Caddoow Cali Gees ay ceel kusii ridi karto hankii Xasan Sheekh ka lahaa in uu markale hoggaanka uqabto dowladda Federaalka.
Odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Xasan Sheekh ayaa ku guul darraystay in Caddoow dabagaab ku qanciyaan in uu ka joogsado musharxnimada.
Liibaan Jeexoow Cabdi