DHAGEYSO-Shariif Sheekh Axmed “Madaxda Dalka Waa Mujrimiin Musuq Maasuq iyo xatooyo geystay waa in la Maxkamadeeyo”

 

Xilli uu sii xoogeysanayo loolanka u dhaxeeya musharixiinta xil doonayaasha ah ee u taagan Hoggaaminta dowladda ayuu cadaadis dhan walba ah wajahayaa Xasan Gurguurte.

Shariif Sheekh Axmed hoggaamiyihii hore ee dowladda Federaalka ayaa dib ugusoo laabtay dalka wuxuuna Muqdisho ku qabtay shir Jaraa’id oo uu si adag ugu weeraray Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdi Rashiid.

Wuxuu sheegay in hoggaamiyaasha DF-ka ay yihiim dambiilayaal dhacay hantidii umadda oo ay waajib tahay in lala xisaabtamo oo la maxkamadeeyo.

Shariif ayaa kasoo horjeestay in ay isisoo sharraxaan Cumar Cabdi Rashiid iyo Gurguurte “Musuq maasuqa iyo xatooyada waxaa lagaarsiiyay tuulooyinka iyo baadiyaha, dhaqaalihii magaca soomaalida lagusoo qaatay ayaa jeebka lagu shubtay markaas ayaa laleeyahay eber ayaan wax ka bilaawnay”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale hoggaamiyihii hore ee dowladda Federaalka ayaa ku eedeeyay Ururka Damul Jadiid kala qeybinta bulshada Soomaalida iyo dhismaha maamul goboleedyo kala qeybsan sida Koonfur galbeed,Galmudug iyo Jubbaland.

Waxaa xusid mudan in Shariif Sh.Axmed uu ahaa dabadhilif Xabashida itoobiya iyo shisheeyaha AMISOM dalka kusoo hoggaamiyaamiyay islamarkaana ciidamada ajaanibta ah u adeegsaday xasuuqa kumanaan qof oo u badan reer Muqdisho hadda oo uu yahay xukun doon u ooman boobka hantida iyo dhiibista dhul hor leh ayuu ku hadaaqayaa hadallo uu waji wanaag ku sameysanayo.