CDRC logo for web_0Hey’ad lagu magacaabo CDRC Digest, (Center for Dialogue, Research and Cooperation), oo fadhigeedu yahay magaalo-madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa bilowgii January 202017.pdf baahisay qoraalkan ay uga hadlayso doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan midda Madaxweynaha.
Waa warbixin nuxurkeedu ku talinayo sidii loo taageeri lahaa in hoggaanka Soomaaliya uu yimaado qof abbaan ah, sida Xasan Sheekh, dalkana loo gaarsiin lahaa meel ka sii hooseysa, xaaladda gurracan, dhiilada leh ee uu hadda ku sugan yahay.
downloadUjeeddada labaad ee laga leeyahayna waa sidii loo hurin lahaa dambaaburo qabyaaladeed oo mar hore dadka Soomaalida, si iskeed ah isaga bakhtiday. Waxay rabtaa in sawir ahaan ay muujiso, in dadka Muqdisho ku nool ay yihiin kuwo cara qabiil qaba, iskana ilaalinaya qabiillada kale.
Dhibaatada Rejiimka Addis Ababa ka haysta gudaha dalkiisa waa mid ay Beesha Caalamka iyo dalalka deriskuba ka dharagsanyihiin. Dhowrkii sano ee u dambeeyey, boqollaal dad ah ayaa ku dhintay kacdoommo dadweyne, kumannaan kalana xabsiyada ayay ka buuxaan, dalkana xaalad xukun degdeg ah ayaa saaran, laga soo bilaabo, Oktoobar 2016.
Xorriyadda warbaahinta iyo xuquuqda asaasiga ah ee madaxbannaanida siyaasadda muwaadiniinta ayaa tabasho iyo xad-gudubyo badani ka jiraan. Gabood-falladu waxay ku xusanyihiin warbixinnada Hey’adaha Xuquuqda aadanaha Caalamiga ah iyo kuwa Qarammada Midoobay iyo Midowga Yurub, intaba.
Hey’adda CDRC ee isku duwday warbixintan waligeed wax ma ka tiri, mase ka qortay arrimahaas ka dhacaya gudaha dalkeeda, iyada oo ka madaxbannaan mowqifka Xukuumadda?
Warbixintii ay ka qortay dalkeeda, 24kii November CDRC Digest.pdf, 2016kii waxay taageero buuxda siisay tillaabooyinkii cabburiska, dilka iyo gaboodfalka lahaa ee Xukuumaddu qaadday, xilli caalamka oo idil ku dhaleecaynayo arrintaas.
Soomaali oo giddigeedba 1 qowmiyad isku ah, sida Tigrey-ga, farafaraynteeda iyo kala qaybinteeda waxay Hey’addan ku noqonaysaa (haddiiba ay tahay mid madaxbannaan) anshax xumo diblomaasiyadeed ama daacad-darro aqoonyahaneed (Intellectual dishonest).
Warbixinta ay hey’addaasi uga hadlayso Soomaaliya oo ka kooban 15 bog; marka la soo koobo dulucda loo qoray, waa in Xasan Sheekh lagu sii hayo hoggaanka Soomaaliya, loona fasiro in sidaas ay dani ugu jirto nabadgelyada, dawladnimada iyo horumarka Soomaaliya iyo Gobolkaba!
Waxay meel-ka-dhac ku tahay caqliga dadka Soomaaliyeed iyo dalkooda.