Mas’uuliyiin horay xilal ugasoo qabtay dowladda Federaalka ee gumeysi kalkaalka ah ayaa ku dhawaaqay in dalka Soomaaliya uu kujiro maxmiyad gumeysi.
Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo horay usoo noqday Taliyaha sirdoonka DF-ka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo Kenya ay gumeysi daran ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Fiqi oo lahadlayay mid kamida Telefeshinada Soomaalida ayaa xaqiijiyay in ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ay yihiin gumeystayaal sifo sharci darro ah ku jooga dalka.
“Soomaaliya gabigeedba dib u xureyn ayay u baahantahay gumeysi ayaa heysta dalka, madaxda ayaana gumeysiga hormuud u ah waa in lahelaan hoggaan hufan” ayuu yiri Fiqi.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalka Soomaaliya uu ubaahanyahay dib u xureyn dhameystiran wuxuuna si kulul u weeraray siyaasadda Xasan Gurguurte ee ujajaban dowladda Itoobiya.
Qaar katirsan Musharixiinta utaagan xilka madaxtinimada Dowladda Federaalka ayaa iyana sheegay in dalku gumeysi kujiro oo dowlado shisheeye ay si toos ah umaamulaan gobollada dalka.
Hoggaanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sanado ka hor sheegay in Soomaaliya ay gumeysi kujirto iyagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan halganka dib u xureynta.
Kuwii gumeysiga la shaqeynayay ayaa hadda u muuqda kuwa kusoo baraarugay xummaanta gumeysiga waxayna bilaabeen in ay warbaahinta ka qeyliyaan.
Liibaan jeexoow Cabdi