“Dhardhaarradoo lakala beddelaa dheriga dhadhankiisa ma dooriyaan”

imageedit_1_3629894040.jpg

Soomaalidu waa dad iloowshiinyo dhow, waxa ay wax ku diidaan ama ku taageeraanna ay tahay mid xumbo ah oo aan sal ballaaran sii lahayn. Haddaba ilaa shalay galab waxa dhegaha naga wareeriyey taageero aanan garan karin goorta ay isbeddeli doonto, aadna loogu hadaaqayey, loona muujinayey Farmaajo oo ah nin aan anigu rumaysnahay in uu yahay kan ugu liita ragga kaararka (cards) ah ee hadba mid ummadda Soomaaliyeed loo soosaarayo, laguna wareerinayo.

Farmaajo waa ninka buuggiisii qalin jabinta (thesis) ee shahaadadada heerkeeda labaad (master) ku qoray ereyo diin ka bax ah, haddii uu diinta aqoon u leeyahayna uu ku riddoobayo, haddii uu jaahil ka yahayna loo baahan yahay in uu ka toowbad keeno. Qoraalkaas oo uu ugu magac daray “Tabaha Daneed ee Maraykanka ee Soomaaliya” (U.S. Staragic Interests in Somalia: From Cold War Era to War on Terror), uuna qoray 1dii bishii Juun ee 2009kii, jaamacadda Bufallo (the State University at Buffalo) kaas oo uu dalka Maraykanka ugu hiilinayo, isaga oo qabay in Maraykanku lumiyey danihii uu ka lahaa Soomaaliya. Qofkii wax in uu ogaada rabaana qoraalkaas ha akhriyo isaga oo iska ilaalinaya taageerada indho la’aanta ku dhisan.

Tan labaad Farmaajo waa ninkii afkiisa soo mariyey isaga oo Maraykanka raalli gelin ka raadinaya, markii uu ra’iisalwasaare u ahaa Shariif Sheekh Axmed, in dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab iyo cid kasta oo diiddan danaha reer Galbeedka ee Soomaaliya uu difaac iyo xirsi xirba u yahay Maraykanka oo Muqdisho laga difaacayo New York. Farmaajo waxa uu dulsaaran yahay Taangigii iyo Tawgii ay gumaysigu lahaayeen, ee ma aha mid addimo uu leeyahay ku taagan, mana aha mid wax ka diidi kara kuwa uu Taangigooda dulsaaran yahay, ninkii rumaysan in uu wax beddeli karowna taas maanka ku hay.

Dad baa waxa ay fidinayaan Farmaajo Gabre iyo Itoobiya ayuu diiddan yahay. Taasi waa been haddiise ay wax ka jiraan, waxa aynu eegi doonaa meesha ugu horreysa ee uu booqdo ama uu u cimra tago. Haddii arrintaas wax ka jiraan Xabashidu si ay u oggoleysiiso ama uu jilbaha u qabsado, sida kuwii ka horreeyeyba, waxa ay gobollada xad beenaadka ku yaal ka la baxaysaa ciidammadeeda si ku meelgaar ah, dabadeedna markii uu jilbaha qabsado ayey dib u soo celinaysaa.

Arrinta kale ee Farmaajo hartaala ayaa ah in uu afka ka sheegayo in uu ciidan Soomaaliyeed dhisi doono, taas oo u eg riyo iyo qarow, marka loo eego meesha uu taagan yahay oo ah in uusan ahayn nin maamula dal xor ah, danihiisana ka tashan kara, cadowga uu martida u yahayna ma aha mid taas diyaar u ah, waxa uuna u egyahay nin saaran Doon uusan garanayn cidda naakhuudaha (darawalka) ka ah. Dad badan oo taas hadda ku taageersanna waxa aan filayaa berrito in ay af kale la iman doonaan.

Dadka Soomaaliyeed ee xalaasha ah, gobolka Banaadir iyo agagaarkiisana ku nool, Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekhba dhib aan ka yarayn kii uu Cabdullaahi Yuusuf u gaystay ayey u geysteen, dad badanina arrintaa kama kicin, waayo waxa nimankan loo arkayey niman ehel ahaan ka dhow Cabdullaahi Yuusuf. Farmaajo oo hadda aad loo caashaqsan yahayna, ayaa waxa laga yabaa markii dadka dhib badani soo gaaro oo madaafiicda gumeysigu meelo badan ku daadato in la isla dhexmaro ninka na dilayaa waa ayo? Illeyn Soomaalidu uma badna dad weli qabyaalad iyo xumaanteed ka koraye.

Haddaba Farmaajo iyo inta la xammaasadaysanow ogaada, maankana ku haya gabaygan yar ee uu tiriyey abwaan Cabdi Aw Cismaan (Yiroowe)

Dalkiisii nin gaal qaatayoo duudka kaga joogo, Dekedaha nin loo maamuliyo gegi diyaareedka, Misna madax u daacad ah iyo darajo doonaaya, Caqlaa ninkii door bidoow doorna maad jirin.

Qore:-Suldaan Garyare.