AMISOM ayaa waxa ay maanta is-hortaag ku sameeyeen wasiirradda Maryan Qaasim Axmed, xilli ay rabtay inay aado xarunta Xalane.
Wasiirradda ayaa qoraalkeeda oo af-ingariisi ku qornaa waxa ay ku caddeysay in aan la aqbali karin dhaqannada ay ku kacayaan AMISOM. Waxaana ay wax laga xumaado ku sheegtay wixii ay maanta ku soo aragtay xarunta Xalane.
Wasiirradda ayaa waxa ay tiri “waxa aan ku shaqaynaynaa xaalad adag, laakiin qiil looma heli karo dhaqannada aan maanta ka arkay ciidamada AMISOM”.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS