Mas’uulka ugu sarreeya taliska ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa socdaal dhuumasho ah ku yimid garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Jeneraal Thomas Waldhauser ayaa xerada Xalane oo kaabiga ku haysa garoonka diyaaradaha ugu yeeray Max’med Cabdullaahi Farmaajo Hoggaamiyaha DF-ka iyo taliyaha ciidanka Melleteriga.
Madaxweynaha dowladda Federaalka oo wajigiisa farxad laga dareemayay xilligii uu la kulmayay Thomas Waldhauser ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha Mareykanka ee Muqdisho soo gaaray ay dowladda Federaalka ku dhaliileen habacsanaanta dhanka amniga ah ee kajirta magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.
Dowladda Mareykanka ayaa qorshaynaysa in ay ka qeyb qaadato ciidamo aan badneyn oo DF-ka loo dhiso marka lagaaro sanadda 2018-ka.
Dowladda Mareykanka oo si toos ah ugu lug leh dagaalka Soomaaliya ayaa ka caraysan in waqtigii ay bixi lahaayeen ciidamada AMISOM soo dhawaaday islamarkaan aan laheyn ciidamo Soomaali awood leh oo la wareega magaalooyinka ay shisheeyuhu ka bixi doonaan.
Melleteriga Mareykanka ayaa dhanka Hawada ka taageera kumanaan katirsan ciidamada AMISOM oo duullaan gumeysi ku qaaday gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Donald Trump hoggaamiyaha cunsuriga Mareykanka ayaa horay u sheegay in duqeymo dhanka cirka ah ku qaadayaan deegaanada ay maamulaan wilaayaatka islaamiga ah ee taabacsan Xarakada Al Shabaab.
Farmaajo oo ah Muwaadin heysta dhalashada Mareykanka ayaa umuuqda in taageero dhan walba ah uu ka helayo dowladdiisa.
Dad odorosa arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in faragelin walba oo dowlado shisheeye kusoo sameeyaan soomaaliya ay taageero iyo awood siin karto Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Dowladda Mareykanka ayaa bilaagii sagaashameeyadii ku fashilantay duullaankii gardarrada ahaa oo ay kusoo qaaday dalka Soomaaliya xiligaasi oo 19 askari looga dilay waddooyinka Muqdisho.
Liibaan Jeexoow Cabdi