Hoggaamiyaha wadanka Kenya ayaa markii ugu horraysay warbaahinta u sheegay in ciidamadiisa duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ay leeyihiin dhadaf fog oo khilaafsan waxa ay ku hadaaqaan madaxda DF-ka.
“Ciidamada Kenya waa sii joogayaan Soomaaliya illaa Kenya ay noqonayso meel ammaan ah” ayuu yiri Kenyatta.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ujeedka ugu weyn ee Melleteriga Kenya ugu duuleen Soomaaliya ay tahay ilaalinta danaha iyo masaalixda dowladda Kenya.
R/wasaaraaha Itoobiya iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa ka qeyb gelaya shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo berri ka furmi doono magaalada London.
Warka kasoo yeeray Uhuru ayaa meesha ka saaraya haddallada ay marwalba ku hadaaqaan madaxda DF-ka ee ah in Kenya ay Soomaaliya usoo gashay si ay u kaalmayso ciidamada Dowladda Federaalka.
Liibaan Jeexoow Cabdi