DHAGEYSO:-Afhayeenka Siilaanyo oo Xaqiijiyay in 19% Saamiga Dhaqaale ee Kasoo Xarooda Dekadda Berbera lasiiyay Dowladda Itoobiya!.

Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo ah Afhayeenka Siilaanyo ayaa Idaacadda Codka Mareykanka Ee VOA u sheegay in saamiga la siiyay Itoobiya aanay ahayn mid ay ‘Somaliland’ bixisay balse dowladda imaaraatka Carabta ay Itoobiya u garatay.

Deegaannada uu ka arrimiyo maamulka isku magacaabay ‘Somaliland’ ayaa aad loo hadal hayay in 19% faa’iidada kasoo baxaysa dekedda magaalada Berbera qayb ahaan loo siiyay dawladda Itoobiya.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS

 

Warkan ayaa soo baxay markii Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP WORLD si rasmi ah loogu wareejiyay dekadda islamarkaana loo ogolaaday in muddo 30 sanadood ah ay gurato dhaqaalaha dekadda kasoo xarooda.