14-kii bishan waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kasoo degay wafdi uu hogaaminayo Sheekh Muxamad Cabdi Umal oo ujeedadoodu ahayd iney lacago boqollaal kun oo dolar ah gudoonsiiyaan DF.
Wafdiga ayaa waxaa loo soo dhaweeyay sida madaxda reer galbeedka oo kale, waxaa garoonka diyaaradaha uga hor tagay madax iyo saraakiil ka tirsan dowladda kadibna waxaa loo soo galbiyay madaxtooyada iyadoo waliba lasoo mariyay wadada Afisyooni.
Waxaa wafdiga kamid ahaa ku simaha safaaradda DF ee Nayroobi, Maxamad Cali, kaasoo la tilmaamay inuu isagu soo qalqaaliyay safarkan.
Umal ayaa la kulmay madaxda dowladda oo ay ugu horreeyaan Farmaajo iyo Kheyrre, waxaana uu ku wareejiyay lacag kor u dhaafaysa $300,000 (sadax boqol oo kun oo doolar) oo loogu tala galay dadka dhibanayaasha ah lagana soo uruuriyay Soomaalida ku dhaqan Nayroobi, Mumbasa iyo Uganda.
Halkan Ka Degso Warbixinta oo Maqal Ah
Habkee Loo Wareejiyay Lacagta?
Lacagahan ayaa waxa uu ku wareejiyay Cllhi Maxamad Shirwac oo ah gudoomiyaha guddi gurmad oo uu ra’iisulwasaaruhu magacaabay, waxaana xusid mudan inaan kulankan laga qeyb galin wasaaraddii arrimaha Musiibooyinka qaabilsanayd.
Sh/Umal, iskuma soo sawirin dad tabaaleysan ama dhibanayaal kale, ee wuxuu lacagta ku wareejiyay sida muuqaallada laga dheehan karayo gudoomiyaha gudiga iyo kheyrre oo ag taagnaa.
Mahad celin loo jeediyay kadib waxaa loogu baaqay Sh/Umal inuu kalaintiisa ka qaato dagaalka mabaadi’da diineed ku salaysan ee ka dhaxeeya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo dhinacyada gaashaanbuurta ah ee ka kooban shisheeyaha iyo dowladda.
Intaasi kadib wuxuu wadaadku u duulay magaalada Nayroobi isagoo aanan hal habeen ku nagaan magaalada Muqdisho, tanina waxay ahayd arrin khilaafsan caadooyinkii looga bartay safarradiisa.
Saameynta Ay Yeelatay Nidaam Darrada Loo Bixiyay iyo Cidda Lagu Wareejiyay Lacagta.
Haddaba markii uu Sheekhu tagay Nayroobi waxaa bannaanka usoo baxay fadeexad iyo ceeb ka dhalatay lacagtii uu ku wareejiyay DF taasoo saameyn kala duwan yeelatay.
Markaanu ku hormarno DF gudaheeda, waxaa la isku qabtay lacagtaasi faraha badan iyo sida isku dhex yaaca ah ee loo kala gudoomay.
15-kii bishan oo ku aadanayd maalintii xigtay safarka Sh/Umal ayaa waxaa is casishay Wasiiraddii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee xukuumadda Kheyrre Maryama Qaasim Axmad.
Waxay si cad u sheegtay iney isku casishay isbarbar yaaca dhacay dartii, waayo waxay ka baqday in shaqo ay ku magacaaban tahay wax lagu dhoco, haddana iyadoo aan waxba laga siin berri lagu eedeeyo iney musuqmaasuq ku kacday.
Sh/Umal oo Nayroobi ku qabtay muxaadaro uu uga hadlayay kulankii uu madaxtooyada kula qaatay madaxda DF ayaa su’aal laga weydiiyay nidaam la’aanta lacagta lagu wareejiyay ee sababta u noqotay iney is casisho Maryan Qaasim. Jawaabtiisu waxay noqotay inuu eed kala dul dhoco haweeneyda kuna tilmaamo mid markii horaba mudnayd in la eryo.
Maryan Qaasim ayaa cinwaanka ay “Tuwiter” ku leedahay ugu jawaabtay Sh/Umal.
Sh/Umal ayaa ku faanay in ay DF-ka ah ku amaantay in isaga iyo gudigiisu ka wanaagsan yihiin ganacsatada magaalada Muqdisho marka la eego wax bixinta.
Maxamad Xaaji Xassan oo kamid ah aqoonyahanada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ammaanta loo jeediyay wadaadka ay tahay arrin meesha ku jirta isagoo is dul-taagay xaqiiqda dhabta ah.
Wuxuu sheegay in ganacsatadu ay caado u tahay inaaney waxba ku aaminin DF-ka marka laga reebo lacagaha baadda looga qaato, isagoo ka dhawaajiyay in markii ay wax la baxayaan ay gacantooda ku siiyaan dadka masaakiinta ah, laakin taa bilcagsigeeda uu Sheekh Umal soo garab maray masaakiinta islamarkaana uu lacagtii loogu tala galay u gacan galiyay DF-ka garna uu u leeyahay in la amaano.
Sh/Umal ayaa u bareeray inuu dhaqaalahan ku wareejiyo dowlad uu dhowr sannadood ka hor ku xukumay gaalnimo sababo la xiriira iney shisheeye soo garabsatay.
Maxaa Ka Jira In Lacagta Wax Laga Siiyay Taliska Amisom Ee Baraawe?
16-kii bishan oo ku beegneyd maalin kadib markii uu lacagta wareejiyay Sh/Umal, waxay dowladdu iska debartay culeys weyn oo ka heystay dhanka Baraawe oo ahaa in ciidamada shisheeye isaga bixi rabeen magaalada.
Ra’iisulwasaare Kherre oo wada $100,000 (boqol kun oo dolar) ayaa markii uu magaalada tagay ku dajiyay ciidamada shisheeye ee u diyaarsanaa iney baxaan sababo la xiriira dhaqaale iyo saadkii ay adkaatay inuu si nabad ah kusoo gaaro.
Dadkii ay dhaqaalaha kasoo uruuriyeen Sh/Umal iyo saaxibadii ayaa aad uga xumaaday halka aan munaasabka ahayn ee sadaqadooda la marsiiyay kuwaasoo qaarkood sida isaguba uu sheegay su’aalo ku weydiiyay magaalada Nayroobi.
Saraakiil ka tirsan wasaaradaha DF ayaa iibsaday dawooyin, maro kaneecooyin iyo raashin nafaqo ah oo ay deeq ahaan Soomaaliya u keeneen dowlado carbeed, waxaana suuqa Bakaaraha lagu arkayaa iyagoo sumaddooda wata, sida uu inoo xaqiijiyay Maxamad Xaaji Xassan oo indhihiisa ku arkay.
Halkee Bey Ku Dambeeyeen Lacagihii Gurmadka Abaaraha Ee Soomaalida Laga Uruuriyay?
Dowladda federalka ah ayaa sidoo kale horey u musuqmaasuqday dhaqaalihii faraha badnaa ee loogu tala galay in loogu gurmado walaalaha muslimiinta ah ee uu jilaalku saameynta ku yeeshay. Lacagtaas oo gaareysay 32 milyan oo dolar ayaa waxaa loo qeybsaday sida soo socota:-
Cabdiwali Gaas waxaa gacanta laga saaray $200,000 (laba boqol oo kun oo dolar) halkii ay ahayd in indheer garadka iyo dadka ka madaxa bannaan maamulka loo dhiibo, waxaana ay reer Puntland lacagtaasi ka qaadeen sicir barar iyo culeys.
Sidoo kale waxaa $200,000 (laba boqol oo kun oo dolar) la siiyay Shariif Xassan, kaasoo wax yar kadib Baydhabo ka dhistay guri nooca Jarmalka. Waxa kale oo lamid ah hogaamiyaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland oo iyaguna sidaa oo kale faraha laga saaray min 200,000 (laba boqol oo kun oo dolar) intaa waxa dheer in maamulka gobolka Banaadir lagu wareejiyay $250,000 (Laba boqol iyo konton kun oo dolar) wixii soo harayna waxaa kala qeybsaday madaxda dowladda iyo gudigii gurmadka abaaraha sida aan kasoo xiganay dad xog ogaal ah.
Qaar kamid ah lacagahaasi waxaa lagu biilay oo raashin loogu iibiyay ciidamada dowladda federalka ah, waxaana cadeyn u ah war muuqaal ah oo laga sii daayay TV-ga dowladda ee SNA.
Iyadoo gudiga gurmadka abaaraha ay gacantooda ku jirtay lacag aad u badan ayaa waxaa dhacaysay in Kaamamka ku yaalla Muqdisho ay gaajo ugu geeriyoonayeen dadkii kasoo bara baxay degaanadooda ee soo maciin biday caasimadda.
May, 2017, waxaa kaamka Kaxda oo kaliya gaajo ugu geeriyooday Sagaal qof oo ay afar caruur yihiin sida ay baahiyeen inta badan war baahinta gobolka Banaadir iyo mareegaha Qaramada midoobay ee ka hadla arrimaha bani’aadannimada.
http://radioergo.org/old/blog?2972
Gudigii Gurmadka Abaaraha waxay dowladda u qabteen shaqo aad u culus, waxaana ay taasi ku muteysteen in lagu daro wasaaradda gaashaandhigga qeybteeda saadka ciidamada iyadoo loo bixiyay magaca ah “Gudiga Taakuleynta Ciidamada”
July 9, 2017, ayuu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay gudigan isaga ah oo uu hogaamiye uga dhigay Jaamac Maxamad Qaalib, halka uu ku xigeen uga dhigay Sh/Nuur Barrud Gurxan, balse saacado kadib waxaa xilkii gudoomiye-nimo iska casilay Jaamac. Aug 2, 2017, ayuuna mar kale dib u dhisay gudiga.
Dadka dowladda ku dhow qaarkood ayaa sheegaya in uu Farmaajo daneynayo inuu Sh/Umal si dadban ugu biiriyo Gudiga Taakuleynta Ciidamada, iyadoo uu jiray kulan aan saxaafadda loo ogolaan oo madaxtooyada ku dhex maray labadooda (DF iyo Gudigii lacagta keenay)
Si kastaba ha ahaato’e, dadkii uu dhaqaalaha kasoo uruuriyay Sh/Umal ayaa intooda badan ah kuwa ka qoomameynaya in lacagtooda loo isticmaalo dagaal, laguna dhibaateeyo dad kale oo eheladooda ah, waxaana muhiim ah in arrintan ay cashar ka qaataan, gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan dibadda, kana fiirsadaan halka ay dhaqaalahooda ku bixinayaan.
Amaanadu waa shey muhim ah oo meel weyn ka taagan diinta islaamka dhexdeeda. Waxaa la hubaa in qofku uusan gudan karin ammaanada aadanaha, haddiiba uu mar khiyaano tii Allaah. Ogow ruux Allaah iyo rasuulkiisa khiyaanay ineysan waxba la ahayn tan Aadanaha.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَخُونُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ وَتَخُونُوا أَمَانَاتِكُمْ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ
Xigasho: radioalfurqaan.com