Gaas Iyo Shariif Xassan oo Itoobiya Ku Gaaray Heshiis Ka Dhan Ah Farmaajo

 

Madaxweynaha Puntland Cab38577493.jpgdi Weli Gaas iyo kan Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulan ku yeeshay magaalada Addis-Abbaba ee Dalka Itoobiya, sida ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen.

Kulanka ayaa looga hadlay qiimaynta xaalada dalku Soomaaliya uu marayo, xiriirka maamul goboleedyada iyo dawlada Federaalka ah iyo mooshinka la doonayo in laga keeno madaxweynaha DF Maxamad C/llhi Farmaajo.

Labada hogaamiye ayaa hoosta is kala xariiqay in aysan la shaqeyn karin xukuumadda hadda jirta oo marar badan khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay, uguna dambeeyey khilaafkii ka dhashay xiisadda khaliijka.

Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay waxay isku raaceen in ay taageeraan is isbeddel lagu sameeyo hogaanka dowladda, inkasta oo aan la ogeyn qaabka ay u marayaan.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Gaas uu doonayo in uu madaxweye noqdo isagoo haddii Farmaajo meesha laga saaro isagoo kasoo galaya dhanka awood qeybsiga dowladda oo ah mid qabyaalad ku salaysan.

Shariif Xasan ayaa dhiniciisa balan qaaday in uu fikirkan ka dhaadhicinayo hoggaanka iyo siyaasiyiinta ay isku fakarka yihiin gaar ahaan kuwa ku kacsan Farmaajo eek u sugan Muqdisho iyo Baydhabo.

Labada hogaamiye goboleed ayaa shirkooda kadib maanta u kicitimaya dalka Imaaraadka Carabta si ay qorshahaas usii dhiraandhiriyaan Imaaraadkana uga qaadaan dhaqaale hawshaasi lagu daadihiyo.

Gaas oo iibsaday dekedda magaalada Boosaaso rajana aanan ka qabin in uu mar dambe Puntland wax ka noqdo ayaa u sacyinaha inuu kamid noqdo hogaanka DF.

Si kastaba ha ahaato’e xaaladda ayaa waxay qarnigan aynu nool nahay mareysaa in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu soo go’aamiyo magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya taasoo nasiib darro ku ah ummada Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa muddo laba goor ah Itoobiya u tagay iney ciidamo hor leh soo galiyaan Soomaaliya islamarkaana qabsadaan dhul hor leh, halka dhinaca kale maamul goboleedyadu ay halkaas ku yeelanayaan shirar ay dowladdiisa ku duminayaan iyadoo Itoobiya dhinac walba soo dhaweeneyso, mid kastana gaarkiisa ay dhegta wax ugu sheegeyso.

Xigasho-Amiirnuur.